Hay’adda Haro oo ka qaybisay barnaamij udxiyo magaalada Garoowe[Masawiro]

October 17, 2013 - Written by Editor

2Garoowe:-Hay’adda Haro ee ka shaqaysa arrimaha khayriga ah sidda xanaanaynta agoomaha iyo taakulaynta barakacayaasha ayaa waxay ka fulisay maalmahaan aannu ku jirno ee Ciida Carafo barnaamij udxiyo qaybin ah, halkaasoo ay ku gaarsiisay dadka Barakacayaasha ah iyo Xarunta lagu xanaaneeyo dadka Maskaxda looga jiro (xarunta Dhimirka) xoolo udxiyo ah.

Hay’addan ayaa horay uga fulisay magaalada Garoowe barnaamij kala duwan sida afurinta dadka sooman iyo ciidinta agoomaha. Hay’addaan oo ah hay’add Soomaaliyeed ayaa waxay ka diiwaan gashantahay dalka Maraykanka, waxayna ka fulisaa barnaamijyo taakuleyn dalal badan oo ay soomaali ku nool yihiin sida dalka Kenya.

no images were found

Waxaa uga fuliyay arrimahaan kheyriga ah Hay’adda Alamru bil macruuf Wannahyu canil munkar ee uu madaxda ka yahay Maxamed Yusuf Nuur (Xamari). Ilaahay waxaan uga baryay naa dhamaan dadkii ku tabaruca xoolahaas inuu ka aqbalo oo uu misaanka xasanaadka u saaro, sidoo kale waxaan ilaahay ka baryaynaa inuu barakeeyo masuuliinta Hay’ada Haro meelkastoo ay joogaan.

Hay’adda Haro Garoowe
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online