Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle oo soo dhaweyn u sameeyey Macalimiin ku soo biiray

October 3, 2013 - Written by Editor

16Buuhoodle:-Waxaa alle mahadiisa in ilaa shan aqoonyahan oo cusub ayaa ku soo biiray sanadkaan Jaamacadda bariga afrika fareaceeda Buuhoodle kuwaasoo ka kala yimid magaalooyinka kala ah. 1-C/salaan Xassan Cabdi {Jigjiga-ithopia} 2- Maxamed C/laahi Saleebaan {Sanca-Yeman} 3- Eng: Yaasiin Xuseen Maxamuud {Boorame} 4- Cadnaan Axmed Maxamed {Boosaaso} 5- Sh. Axmed Sh. Cumar Xassan {Garoowe}.

Ururka ardayda jaamacadda bariga afrika faraceeda Buuhoodle ayaa u qabtay xaflad soo dhaweyn ah oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u fara badan kana dhacday xarunta jaamacadda ee magaalada Buuhoodle. Xaflad ayaa waxaa ka soo qayb galay Wax garad, Cuqaal, Ganacsato, Culumaa udiin, Isimada gobolka cayn, ururada dhalinyarada, ururada haweenka, qurba joog, arday, macalimiin, iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaana ugu horeen munaasibadan daah furay maamulaha Jaamacad Bariga Afrika Fareeceeda Buuhoodle Dr cabdishafi Axmed Cali, maamulaha ayaa waxaa uu ugu horeen ka sheekeeyey mar xaladihii ay soo martay jaamacada islamarkaana waxaa uu xusay in jaamacadu ay ku talaabsatay horumar baaxad leh.

Sidoo kale waxaa iyaguna mikirifoonka qaatay Saleebaan Faarax Maxamed [Shanfool] oo isna ku hadlyey Gudiga sare (BOD) ee Jaamacada waxaana uga danbeeyey gudoomiyaha midowga ururka ardayda jaamacada bariga afrika faraca Buuhoodle.Intaasi ka dib waxaa hadalka iskaga dam beeyey Macalimin, Ganacsato iyo Isimo iyo dhamaanba qaybaha bulshada ee Xaflada ka soo qayb galay.

Munaasabadii lagu soo dhawaynayey macalimiinta oo aad u balaadhnayd iyadoo dhamaystiranna Hoos ka daawo

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online