Maamulka Mu’asasada Al-minhaaj oo kulan xog is waydaarsi ah xalay ku qabtay Boosaaso.[Masawiro]
October 26, 2013 - Written by EditorMaamulka Mu’asasada Alminhaaj ayaa xalay soo qaban qaabiyay kulan ay iskugu yimaadeen maamulka Mu’sasada iyo waxgarad ,ducaada ,ganacsata Odayaasha dhaqanka iyo Ardayda wax ka barata magaalada Boosaaso ee ka soo jeeda deegaanka degmada Ufayn. Kulan kaan oo la xiriira safar dacwadeed ay horay Mu’asasadu deegaankaas ku tagtay , caawana warbixin uga soo jeedisay waxgaradka degaankaasi iyo talooyin dhaxal gal ah oo ku saabsan baahida dacwadeed ee deegaanka ka jidha iyo sidii loo hormarin lahaa .
Ugu horayntii waxaa kulanka furay Gudoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj ee Gobolka Bari Sh.Faarax Maxamed Cajab , oo hadala baraarujin iyo alla ka cabsi ah halkaa kasoo jeediyay , isla markaana kusoo dhawayay Shiikh Iimaan Yuusuf Max’uud oo ka hadlay ujeedada kulankan caawa la iskugu yimid iyo qiimaha uu ku fadhiyo gaar ahaan ardayda da’yarta ah.
no images were found
Intaas ka dib waxaa hadalka qaatay Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Shiikh Max’ed Max’uud Ciise oo ka hadlay nuxurkii shirka , wuxuuna gudoomiyuhu soo bandhigay warbixintii safar dacwadeedkii ay Mu’asasadu deegaankaas ku tegtay , gaba gabadii hadal kiisana talooyin muhiim ah halkaa kasoo jeediyay. Gunaanadka kulankana waxaa kalmad mahad celin , Baraarujin iyo talooyin iskugu jidha halkaa ka soo jeediyey Beeldaaje Cali Faarax oo isagu kulanka so af- meeray.
Mu’asasada Alminhaaj
Halgan.net,Boosaaso