Maamulka Mu’asasada Al-minhaaj oo kulan xog is waydaarsi ah xalay ku qabtay Boosaaso.[Masawiro]

October 26, 2013 - Written by Editor

DSC02266Maamulka Mu’asasada Alminhaaj ayaa xalay soo qaban qaabiyay kulan ay iskugu yimaadeen maamulka Mu’sasada iyo  waxgarad ,ducaada ,ganacsata Odayaasha dhaqanka  iyo Ardayda wax ka barata magaalada Boosaaso ee ka soo jeeda deegaanka degmada Ufayn. Kulan kaan oo la xiriira  safar dacwadeed ay horay Mu’asasadu deegaankaas ku tagtay , caawana warbixin uga soo jeedisay waxgaradka degaankaasi iyo talooyin dhaxal gal ah oo ku saabsan baahida dacwadeed ee deegaanka ka jidha iyo sidii loo hormarin lahaa .

Ugu horayntii waxaa kulanka furay Gudoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj ee Gobolka Bari Sh.Faarax Maxamed Cajab ,  oo hadala baraarujin iyo alla ka cabsi ah halkaa kasoo jeediyay , isla markaana kusoo dhawayay Shiikh Iimaan Yuusuf Max’uud oo ka hadlay ujeedada kulankan caawa la iskugu yimid iyo qiimaha uu ku fadhiyo gaar ahaan ardayda da’yarta ah.

no images were found


Intaas ka dib waxaa hadalka qaatay Gudoomiyaha guud ee Mu’asasada Al-minhaaj Shiikh Max’ed Max’uud Ciise oo ka hadlay nuxurkii shirka , wuxuuna gudoomiyuhu soo bandhigay warbixintii safar dacwadeedkii ay Mu’asasadu deegaankaas ku tegtay , gaba gabadii hadal kiisana talooyin  muhiim ah halkaa kasoo jeediyay. Gunaanadka kulankana waxaa kalmad mahad celin , Baraarujin iyo talooyin iskugu jidha halkaa ka soo jeediyey Beeldaaje Cali Faarax oo isagu kulanka so af- meeray.

Mu’asasada Alminhaaj
Halgan.net,Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online