Madaxweynah Jubba oo sheegay in aysan ka qeybgaleyn shir ka dhacaya Muqdisho

October 7, 2013 - Written by Editor

OLYMPUS DIGITAL CAMERAKismaayo:-Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo  ee xarunta gobalka J/hoose.

Sheekh Ahmed Madoobe ayaa shirkiisa jaraa,id waxaa uu si rasmi ah u sheegay in maamulkiisa uusan ka qeyb geli doonin shirka dib u heshiisiinta ee DFS ay ku dhawaaqday in uu ka dhici doono  21-ka bishan Oktobar magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)  ayaa xusay in heshiiskii dhex maray maamulkiisa iyo DFS uu dhigayey in maamulkiisa uu shir u tago Muqdisho ayna tageen magaalada Muqdisho si ay fuliyaan qodobadii lagu heshiiyey shirkii ka dhacay magaallada Adis Abab.

Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaan ayaa sheegay in uuusan qorshaha ugu jirin in ay ka qeybgalaan  shir looga arrinsanayo arrimaha Jubbooyinka kaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Maamulka KMG ee Jubba ayaa sheegay in shirka dib uheshiisiinta qeybtiisa labaad ay ahayd in uu ka dhaco magaalada Kismaayo ayna ku casumeen madaxada DFS.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online