Madaxweynaha dalka Jabuuti oo sheegay in aysan ciidamadooda kala baxayn Soomaaliya
October 16, 2013 - Written by EditorHiiraan:-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee ka tirsan ciidanka AMISOM aysan marna kala bixi doonin dalka Soomaaliya ilaa inta ay dib u soo noqoneyso kala danbeyntii iyo amaankii ka jiray Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay sii joogi doonaan Soomaaliya mar uu khudbad u jeedinayey shacabka Jabuuti munaasabada ciidul Adxaa.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geelle ayaa sheegay in aysan dhag jalaq u siin doonin hanjabaadaha ay kooxda Al-Shabaab u jeedsheen wadamada ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.
Ciidamada dalka Jabuuti ee ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa waxaa ka jooga dalka Soomaaliya hal guuto kuwaas oo ku sugan deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan gaar ahaan Degmada B/weyne .
Saraakiil ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa dhawaan ugu baaqay madaxweynaha Jabuuti in ciidamadiisa uu kala baxo Soomaaliya, haddii kale ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo iyo qaraxyo la mid ah kii ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan xarunta Gancsiga ee West Gade.
A/Cawale
Halgan.net