Madaxweynaha dalka Jabuuti oo sheegay in aysan ciidamadooda kala baxayn Soomaaliya

October 16, 2013 - Written by Editor

Ismaaciil-Cumar-GeeleHiiraan:-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee ka tirsan ciidanka AMISOM aysan marna kala bixi doonin dalka Soomaaliya ilaa inta ay  dib u soo noqoneyso kala danbeyntii iyo amaankii ka jiray Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay sii joogi doonaan Soomaaliya mar uu khudbad u jeedinayey shacabka Jabuuti munaasabada ciidul Adxaa.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geelle ayaa sheegay in aysan dhag jalaq u siin doonin hanjabaadaha ay kooxda Al-Shabaab u jeedsheen wadamada ay ciidamada ka joogaan dalka Soomaaliya.

Ciidamada dalka Jabuuti ee ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa waxaa ka jooga dalka Soomaaliya hal guuto kuwaas oo ku sugan deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan gaar ahaan Degmada B/weyne .

Saraakiil ka tirsan Ururka  Al-Shabaab ayaa dhawaan ugu baaqay madaxweynaha Jabuuti in ciidamadiisa uu kala baxo Soomaaliya, haddii kale ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo iyo qaraxyo la mid ah kii ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan xarunta Gancsiga ee West Gade.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online