Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba oo dib ugu soo laabatay magaalada Kismaayo
October 6, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe ayaa waxaa uu socdaal shaqo ku soo maray wadamada Biljim ,Kenya ,Itoobiya iyo Denmarka .
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo madax sare ee ka tirsan Maamulka Juba oo uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka Jubba Jen CLaahi Fartaag.
Waxaana si weyn loo adkeeyey amaanka guud ee magaalada Kismaayo iyada oo la damiyey dhamaan isgaartiinta oo dhan.
Cabdi Yare
Kismaayo