Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxamaan Farole kala diray Xildhibaanada Puntland

October 31, 2013 - Written by Editor

2Garoowe:-Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxamaan Sh Maxamed Farole ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Golaha Baarlamaanka ee Puntlland oo xilkoodu uu maanta ku ekaa. Kulanka Golaha Baarlamaanka Puntlland ayaa ah kii 10-aad  waxaan shir gudoominayey guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi. Kulanka Golaha Baarlamaanka ee Puntlland ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro,  Saraakiil ,labada gudoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka Puntlland waxaan masuuliyiintii ka soo qayb gashay ay shirka ka jeediyeen  khudbado u badnaa dardaaran ah iyo guubaabo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntlland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo khudbadii ugu horeysay jeediyey ayaa waxaa uu xusay in ilaa intii xilka uu hayey ay meel mariyeen xeerar muhiim u ah oo faa’iido u ah degaanada Puntlland. Golaha Baarlamaanka ee Puntlland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ku amaanay xildhibaanad Puntlland in ay shaqo wanaagsan soo qabteen ayna qaarkood ahaayeen aqoon yahano waayo aragnimo u leh xilka loo igmaday.

Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Farole oo isagan hadal ka jeediyey gunaanadka kulanka Golaha wakiilada ee Puntlland ayaa u sheegay Xildhibaanadu in ay soo qabteen shaqo wanaagsan xilkoodiina uu ku eg yahay maanta isagoo kula dar daarmay in Xildhibaanadu in ay ku laab taan degaanadooda si ay ugu tartamaan mar kale in loo doorto xilka Xildhibaanimo.

Madaxwaynaha Puntland Dr.C/raxmaan Farole ayaa  ku amaanay in Xildhbaaad ay wada shaqayn fiican ay kala dhexeysay howlo culisna ay soo qabteen laguna xasuusan doono isagoo ku celceliyey in haddii ay soo laabtaan Xildhibaanada laga doonayo in ay sii wadaan barmaamijkii Axsaabta  badan.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Axmed Caydiid ayaa waxaa uu golaha baarlamaanka ka hor akhriyey digreeto uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Puntlland taas oo lagu kala diray Xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe waxaa caawa la filayaa in ay ka dhacdo xaflad weyn oo lagu sagootinayo Xildhibaanada Puntland oo xilkooda uu maanta dhamaaday iyadoo siyaasiyiinta iyo musharaxiintu ay bilaabeen xusul doob ay ugu jiraan si ay u kasban lahaayeen Xildhibaanada cusub

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online