Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Midowga Yurub, Bangiga Adduunka
October 30, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Sheekh Maxamed Faroole ayaa galabta kulan kula qaatay xarunta Madaxtoyada Puntland ee Garowe wafdi ka kooban Midowga Yurub, Bangiga Adduunka iyo deeq bixiyaasha kuwaas oo ka koobnaa 6 xubnood.
Kulanka ay maanta Wafdi ka socday Midowga Yurub, Bangiga Adduunka iyo deeq bixiyaasha ay la qaateen Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulankooda ku weheliyey wasiiro ka socda Maamulka Puntland waxaana kulanka looga hadlay qorshaha Puntland ay u jaan goysay Baraamijkeeda ay uga faa,ideysaneyso New Deal kaas oo dhaqaalo badan loogu deeqay Soomaaliya.
Markii uu kulanka u dhexeeyey Madaxweynaha Puntland iyo wafdiga ka socday Midowga Yurub, Bangiga Adduunka iyo deeq bixiyaasha uu soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Eng .Maxamuud Caydiid Dirir, wuxuuna sheegay in wafdiga ka socday Midowga Yurub, Bangiga Adduunka ay Puntland hor-dhigtay qorshaha ay ku doonayaan barnaamijka (New Deal iyo qaabka ay u hergalin lahayd isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in qeybta ay xaqa u leedahay Puntland ay heli doonto.
Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Eng .Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in dowlada Puntland ay codsi u gudbisay wafdiga ka socday Midowga Yurub, Bangiga Adduunka si looga caawiyo kaabayaasha Dhaqaalaha .
A/Cawale
Halgan.net