Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Wafdi ka socda Midowga Yurub, Bangiga Adduunka

October 30, 2013 - Written by Editor

wafdi7Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiraxman Sheekh  Maxamed Faroole ayaa galabta kulan kula  qaatay xarunta Madaxtoyada Puntland ee Garowe wafdi ka kooban Midowga Yurub, Bangiga Adduunka iyo deeq bixiyaasha kuwaas oo ka koobnaa 6 xubnood.

Kulanka ay maanta Wafdi ka socday Midowga Yurub, Bangiga Adduunka iyo  deeq bixiyaasha ay la qaateen Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulankooda ku weheliyey wasiiro ka socda Maamulka Puntland waxaana kulanka looga hadlay qorshaha Puntland ay u jaan goysay Baraamijkeeda ay uga faa,ideysaneyso  New Deal kaas oo dhaqaalo badan loogu deeqay Soomaaliya.

Markii uu kulanka u dhexeeyey Madaxweynaha Puntland iyo wafdiga ka socday  Midowga Yurub, Bangiga Adduunka iyo deeq bixiyaasha uu soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Eng .Maxamuud Caydiid Dirir, wuxuuna sheegay in wafdiga ka socday  Midowga Yurub, Bangiga Adduunka ay Puntland hor-dhigtay qorshaha ay ku doonayaan barnaamijka (New Deal iyo qaabka ay u hergalin lahayd isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in qeybta ay xaqa u leedahay Puntland ay heli doonto.

Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland Eng .Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in dowlada Puntland ay codsi u gudbisay wafdiga ka socday Midowga Yurub, Bangiga Adduunka si looga caawiyo kaabayaasha Dhaqaalaha .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online