Madaxweynaha Puntland oo maanta dib ugu soo laabtay Garoowe.[Masawiro+ Cod]

October 16, 2013 - Written by Editor

7Garoowe:-Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland . Wafdiga Madaxweynaha ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe waxaa si diiran u soo dhaweeyey ku simaha madax weynaha Puntland ahna madaxweyne ku xigeen Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire, Gudoomiyaha baarlamaanka, Wasiiro , Issimo , Saraakiil ciidan iyo qaar ka mid ah ururada bulshad ee Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay i safarkii uu ku tegay dibada dalka Soomaaliya isaga iyo wafdigii la socday uu ahaa mid guul ku soo dhamaaday waxaana uu Madaxweynuhu socdaal ku soo maray wadamada Yemen ,Jabuuti ,Kenya,Itoobiya ,iyo wadanka Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa waxaa uu ka hadlay kheyraadka  dalka iyo qaabka ay rabto in DFS u maareyso waxaana uu ka hadlay shirkada ay DFS kula heshiisay (SOMGAS) in ay soo saarto Shidaal iyada oo ka hortimid dadaalka ay Puntland iyo S/land ugu jiraan in ay soo saartaan shidaal

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay in ay soo dhaweynayaan in la dardar galiyo sameynta Maamul Gobaleedyo ka hirgala dalka wuxuuna sheegay in Puntland aysan wax foobiya ah ka qabin sameynta Maamuladaas.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu ka hadlay doorashada madaxweynanimo ee la filayho in ay ka dhacdo Puntlland waxaaa uub sheegay in qof kasta oo reer Puntlland ah ay u furtahay in uu tartamo isagoo sheegay in haddii looga adkaado doorashada in uu xilka si qurxoon u wareejin doono siddii isagaba loogu wareejiyey.

no images were found

Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan Faroole  ayaa xusay in doorashadu ay u dhacayso  si nabadee  lana doonayo qof walba in uu ka shaqeeyo amaanka iyo nabadgelayad Puntlland si looga fogaado amaan daro  iyo khalkhal ku yimaad amaanka guud ee Puntlland.

Hoos ka Dhageyso Madaxweynaha Faroole oo Shirjaraa,id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Garoowe.

 

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/xx930f67a8/faroole.mp3]

M_M_Deeq
Halgan .net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online