Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Shir jaraa’id ku qabtay degmada Taleex

October 31, 2013 - Written by Editor

cabdisamad-cali-shireTaleex:-Madaxweyne ku xigeenka  Puntland Gen Cabdi Samed Cali Shire ayaa maanta Shir jaraa’id ku qabtay gudaha degmada Taleex ee gobalka Sool wuxuuna ka hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin socdaal uu dhowaan ku soo tagay degmada Taleex, hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland iyo shir la hadal hayo in uu ka dhaco Degmada Taleex .

Gen.Cabdi Samed Cali Shire madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyey ujeedada socdaalkiisa waxaana uu sheegay in ay u tageen Degmada Taleex mashaariic laga fulinayo Degmada Taleex oo qaarna ay qabsoomeen qaarna ay haatan ku guda jiraan waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadal ka soo yeeray qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland kuwaas oo fitno ku tilmaamay socdaalka uu Cabdi Samed Cali Shire ku tagay Degmada Taleex.

Gen. Cabdi Samed Cali Shire madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu baaqay musharixiintaasi in ay dib u milicsadaan dastuurka Puntland isla markaasna ay ka waantoobaan hadalada aan meelna loo dayin waxaana uu ku tilmaamay hadalada ka soo baxay qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee Puntland mid qaran dumis ah.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen. Cabdi Samed Cali Shire ayaa Musharaxiinta ugu baaqay in aysan ku beerlaxowsan xildhibaanada beesha Dhulbahante hadala iyo eeda ay u soo jeediyeen Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxaana uu intaas ku daray in doorashada Puntland ay u dhici doonto si xalaal ah nabadgalyana ah .

Madaxwyne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire ayaa meesha ka saaray in wax shir ah oo aysan dowladiisa raali ka ahayn uu ka dhici doonin Degmada Taleex ee gobalka Sool.

Gen Cabdi Samed Cali Shire Madaxwyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu baaqay shacabka iyo musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo Puntland in ay ilaaliyaan nabadgalyada iyo amaanka ka jira Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online