Magaalada xeebta ah ee Mombasa oo xalay lagu dilay ilaa 4 qof
October 4, 2013 - Written by EditorWaxaa magaalada Mombasa ee ku taalla xeebta dalka Kenya, lagu dilay xalay ilaa 4 qof waxaana lagu toogtay bartamaha magaalada Mombaza iyaga oo ka soo baxay Masaajid ku yaal magaalada Mombaza.
Dadkaan lagu dilay magaalada xeebta ah ee Mombasa xalay waxaa ay dadka muslinka ah ee ku nool magaalad Mombaza soo xasuusinaysaa dilal qorshaysan oo ay kooxo hubaysan iyo ciidanka Nabadsugida Kenya ay kula kaceen qaar ka mid ah dadka muslinka ah ee degan magaalada Mombasa
Dadka xalay la dilay waxaa ka mid ah:-
1-Sh. Ibraahim Rogo
2-Qadafi Mohamed
3-Issa Abdala
4-Omar Abu Rumeisa
War lagu soo qoray wargeyska Daily nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay xalay afartaan qof uu ka badbaaday darawalkoodii gaariga u waday raga la laayey magaciisana lagu sheegay Salim Aboud Sheekh Abukar Shariif.
Magaalada xeebta ah ee Mombasa ayaa waxaa ay xad dhinac badda ah ay la leedahay dalka Soomaaliya waxaan ka dhacay dilal kale duwan oo lagu eedaynayo ciidamo sidda gaarka ah loo tababaray ee loo yaqaan cidanka la dagaalanka Argagixisada
Cabdi Yare
Halgan.net