Mas’uuliyiin kala matalayay hey’adaha kala duwan ee DFS iyo Diblomaasiyiin Netherlands oo kulan ku yeeshay Muqdisho

October 16, 2013 - Written by Editor

DSC01529Muqdisho:- Agaasimayaal iyo Wakiilo ka kala socda qaar ka mid ah Wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan kula yeeshay garoonka diyaaradaha Muqdisho diblomaasiyiin ka socda dowladda Netherlands, iyadoo laga wada hadlay sidii  iskaashi wadajir ah oo dhexmara labada dowladood loo sameyn lahaa.

Kulankani oo uu shir-gudoominayay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Avv. Hersi Haji Olosow , ayna ka qeyb ahaayeen Kuxigeenka agaasimaha guud ee  Madaxtooyada Qaranka Thabit Abdi Mohamed , qaar ka mid ah lataliyeyaasha madaxweynaha,qaar ka mid ah agaasimayaasha Wasaaradaha kheyraadka , howlaha guud ,tamarka iyo dekadaha, Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga, ayaa waxaa kala qeybgalay danjiraha Netherlands ee qaabilsan Soomaaliya Joost Reintjes iyo kuxigeenkiisa Alain Ancion .

Avv. Hersi Haji Olosow , ayaa kulankaasi kadib ka sheegay madasha in Wasaaradiisu ay xog wadaag la sameyn doonto dhammaan wasaaradaha Xukuumadda iyo Xafiisyada qaranka si loo ilaaliyo heybadda iyo dowladnimada , loona gaaro ujeedada guud ee qaranka.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda.

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online