Mid ka mid ah dableydii weerartay Westgate oo magaciisa la shaaciyey.[Video]
October 18, 2013 - Written by EditorLondon:-Waxaa xalay uu soo daayey Tv-ga BBC-da warbixin kooban oo uu uga waramayo ni dhalinyaro ah oo ay ku sheegeen in la ogaaday in uu yahay Soomaali kuna noolaa dalka Norway magaciisana lagu sheegay Xassan Cabdi Dhuxulow. Xassan Cabdi Dhuxulow oo da’diisa lagu sheegay 23 jir ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa hogaamiyihii kooxdii weerarka ka geystay xarunta ganacsiga ee WestGate ee magaalada Nairobi waxaan uu dalja Norway ka tegay 2009-kii.
Xassan Cabdi Dhuxulow ayaa waxa uu ka degaan dalka Norway magaalada Larvik . Ehelka Xassan Cabdi Dhuxulow ayaa waxaa ay yimaadeen dalka Norway 1999-kii, waxaan ay sheegeen haddii wiilka la sheegayo uu wiilkooda uu noqdo mid qayb ka ahaa weerarkii West gate lagu xaday caqliga lana marin habaabiyey.
Hoos ka Daawo barmaamijka uu tv-ga BBC-News ay ka diyaarisay Xassan Cabdi Dhuxulow
Source:-BBC-NEWS