Nadwadii ka socotay Garoowe oo gashay habeenkeedii 5aad.[Masawiro]

October 3, 2013 - Written by Editor

DSC00597Nadwo cilmiyeedkii ka socotay magaalada Garoowe gaar ahaan Masjidka weyn ee Al-hudaa ayaa waxaa ay gashay habeenkeedii 5aad waxaan muxaadaro ka jeediyey Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf isagoo muxaadaradiisa ugau magic daray ‘’Asbaabta Takfiirka iyo Xadgudubka.’’Waxaa shiikhu muxaadaradiisa ku bilaabay In qof mucayan ah (Gaar ah). aan lagu degdegi karin gaalaysiintiisa maadaama  khatar badan  arrintaas ku sugantahay oo ah in ay  ka dhalanayso in qofkii siddii aad ku sheegyo uu noqdo iyo in adiga aad gaal noqotid.

Intaa ka dib ayuu shiikhu soo bandhigay Waxyaabaha keena in dadka la gaalaysiiyo kuwaas oo ah:

1-    Ku xadgudubka diinta

  1. Waa wax dhaca arinkaasi oo xitaa xiligii Nabiga(S.C.W) ayey dhacday Nabiguna waa daaweeyay waxaana sidaa la mid ahaa culimadii salafka oo iyaguna aad ula diriray xadgudubka .
  2. Waxaa  ku soo aroortay Nusuus fara badan.

2-     Sababka labaad ee keena in qofku wax gaalaysiiyo waa: JAHLIGA ,waana mid ka mid ah tilmaamaha lagu yaqaan khawaarijta takfiirka iyo dhammaan dadka wax gaalaysiiya.

  1. Waxa shiikhu sheegay in ay taasi ku keentay  in ay sheegtaan Nusuutii muslimiinta lagaga hadlayay oo iyaga kaliya isku magacaabeen in ay yihiin muslim dadka  inta kalena gaalo yihiin.
  2. Sidaa darteed waxa ay neceb yihiin Nusuusta ka hor imaanaysa fikirkooda khaldan diidaysana in la gaalaysiiyo muslimiinta.
  3. Waxay jaahil ka yhiin sunanta rabbaaniga ah oo ah in ummadu is khilaafayso waxayna leeyhiin maxay ummaddu isku khilaafayaan waxayna taa u daliishanayaan in dadkaani  aysan ahlu xaq ahayn.
  4. Waxay jaahil ka yihiin in dadka muslinka ah daacada alle ku kala duwan yihiin oo ay u kala dadaal badan yihiin balse iyagu waxay rabaan in dadku isku mid noqdaan danbina ka dhicin haddii uu ka dhacana way gaalaysiinayaan.
  5. Waxay jahli  ka yihiin imaanku inuu yahay heerar iyo darajooyin kala sareeya kaas oo kordha ama dhinmo iyaguna waxay rabaan in dadku noqdaan muslim 100% ah iyo gaal wax u dhexeeya ayan jirin oo qofkii danbi  sameeya Gaal yahay.
  6. Waxaa kale oo ay jaahil ka yihiin Luqadda carabiga, luqaddan  oo ah midda ay ku xiran tahay fahamka Nusuusta diinta haddii kalana waxaa ka dhalanaysa faham khaldan oo keeni kara go’aamo khatar ah sida gaalaysiin,layn, iyo iwm.

Shiiku waxa uu Tusaale ka bixiyey arrimo  muujinaya oo uu ka soo raray Dr.Axmed Xaaji C/raxmana (allaah ha unaxariistee). oo mar uu maxaadaro ka jeediyay qolyaha wax gaalaysiiya ayuu tusaalahaan soo qatay oo yiri

no images were found

 3-    Asbaabta la xiriirta hawa raaca oo qofku isu arko in isagu ugu fiican yahay oo kaligii ehlu xaq yahay taasina waamid dhaqankii Nabi Muxamed  nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee iyo diintiisii  khilaafsan .

Waxay arintaa ku keentay dadka wax gaalaysiiya in ay iskala waynaadan culimada waxayna aysan ka qaadan ee ay dad jaahiliin ah oo iyaga ka tirsan wax ka qaataan.

Waxay raacayaan oo qaataan Nusuuta mutashaabiha ah diintuna waa ka digtay dadka sida sameeya.

4-    Waxaa isku xiran iyaga kaliya oo waxay wax ka qaataan iga dhexdooda kaliya .

Waxaa arintaa ka dhalanaya in lagu xirnaado ehlu bidco oo qofku yeesho saaxiib xun.

5-    Waxaa jirta asbaabo Bulsho oo iyana keeni kara in dadka la gaalaysiiyo ama lagu biro kooxaha noocan oo kale ah sida:

  1. Dhaqaala xumada oo keeni karta in qofka cid kastaa kaxaysato isaga oo hunguri doon ah.
  2. Wanaaga oo la isku sheego oo laga tago iyo xumaha oo aan la’iska qaban.
  3. Cadaadiska iyo jirdilka ayaa keena arimahan oo kale oo waxaan ogaanay in taarikhda takfiirku ku bilaabatay cadaadis dawladda Masar kula kacday dhalintii.
  4. Xiriirka xaakimka iyo shacabka ka dhexeeya.

6-    Asbaabo siyaasadeed ayaa iyana keena xagjirnimada iyo gaalaysiinta sida :

  1. Shirqoolada caalamiga ah oo lagu beegsanayo la’isuna bahaysanayo muslinka.
  2. In ay maqantahay khilaafadii muslimiinta oo aysan jirin cid ay xanuun ku hayso oo raadinaysa waa wax dadka qaar ku keeni kara inay yiraahdaan maadaama aan khilaafadii laga fakarayn lana raadinayn dadku waa gaalo.

Daawooyinka iyo Xalalka Fikirka Takfiirka:

1-    Caaqiidada.

  1. Waxaa daawo ku jirtaa in la ogolaado in nusuusta lagu kala boxo .
  2. In la fahmo manhajiki salafka lana raaco inaga oo ka baranayna in la jamciyo nusuusta.
  3. In ay fahmaan xiriirka ka dhexeeya madxda iyo shacabka oo waxaa laga rabaa shacbku in ay adeecaan madaxda ,madaxduna ay sharciga dhaqan galiyaan.

2-    Cilmiga.

  1. Raadinta iyo barshada cilmiga sharcigawaa muhim, maxaa yeelay waxaa ku xiran cabsida ilaahay. Iyo in uu helo wax uu isaga difaaco bicada iyo afkaaarta khaldan.

(caqli xumada iyo bidacadu waa walaalo).

  1. In la barto sida loo daliishado nusuusta.
  2. Barshada iyo fahnka maqaasida shareecad.
  3. In la barto taariikhda islaamka si loo fahmo dhibkii ay muslinka u gaysteen ehlu bidacu.
  4. In aanu ogaanaa in muslimku aan  isku mid ahayn oo ay kala cibado badan yhiin.
  5. In diinta laga qaato culimada.
  6. In la sameeyo siyaasad dawladeed oo ah in la hubiyo dadka wax baraya  ilmeheenna lana sameeyo xarumo lagu saxo laguna dhaqan celiyo dadka xanbaarsan fikirada khaldan.

3-    Guud ahaan dadka in la saxo:

  1. In dadku is qabtaan oo lahelo dad xumaha reeba wanaagana fara.
  2. In dawladu ilaaliso shareeada islaamka waxna ku xukunto.
  3. In la daryeelo bulshada si aan looga faa idaysan dhaqaala xumadoda.
  4. In lahelo dawrkii culimada oo ah dawr wayn maadaama ay yihiin cidda kaliya oo difaaci karta.
  5. In horumarka laga shaqeeyo dhaqaalahana la kobciyo.
  6. In la helo dawrkii dawladda oo ah in ay xil iska saarto ilaalinta diinta iyo in aan la marin habaabin.
  7. In talaabo laga qaado hadii ay daawooyinka kale waxtari waayaan.

Tacliiqa: Shiikh C/rashiid Maxamed Ismaaciil.

  1. Waxa uu sheegay shiikhu in takfiirku khatar ku yihiin deegaanka Puntland,isagoo xusay in ay khatarta ugu badan ku hayaan  goobaha waxbarshada maadaama ay tahay meelaha ay ka u gaarsadaan iyaga  isku hoos qariyaan in ay huwadaan shaati culimo.
  2. Wuxuu tilmaamay dhibka laga soomaray iyo natiijooyinka xun xun oo ka dhalatay.
  3. Wuxuu sharaxay magacooda oo ah

Takfiir: umadu waa gaalo.

Hijra: halga dhex baxo,yaan wax lalacunin, yaan wax lalabaran,yaan lala shaqaysan.

  1. Waxa uu cadeeyay Sababta nadwada iyo juhdiga oo ah in laga digo nimaakaas loona naseexeeyo si loo badbaadiyo wixii hanuun u qoran yahay.
  2. Takfiirku kuma xiran madaahibta diinta ee islaamka taasoo keentay in culimada lag fogaaday.
  3. Wuxuu soo jeediyay in la daaweeyo asbaabta keenta takfiirka oo laga sheekeeyay.

Talooyin muhiim ah ayuu shiikhu soo jeediyay:

  1. Da’yarta in aan hoogan laga dhigin oo diinta iyaga looga danbayn.
  2. In laga fogaado isku adkaynta diinta.
  3. In culimada lasiiyo xaqooda cilmigina laga qaato iyo talada.
  4. In khilaafka diinta culimada loo geeyo .
  5. In cilmiga laga qaato ilaha saxda ah ee cilmiga.
  6. In shareecada la barto jahligana laladagaalamo.
  7. Muranka iyo dooda qajajacda ah laga fogaado.
  8. In la iska eego in cida cilmiga laga qaadanayo ay culimo yihiin.
  9. Fahanka maqaasida shareecada si la’isu waa fajiyo masaalixda iyo mafaasidda.
  10. Xukunka dagdaga ah inlaga fogaado oo qofka isla markiiba xukun la saarayo oo la oranayo hebel saasuu sameeyay waa gaal ama waa murtad iwm.
  11. In aan la xukumin dadka quluubtooda ee daahirka lagu eekaado.

 Shiikhu ugu danbayntii wuxuu dardaarmay:

  1. Cabsida alle.
  2. Diinta aan barano.
  3. In dulmiga laga fogaado oo tawbad keeno.
    In khilaafka laga fogado.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online