Khawaarijta cusub waxaa jeediyey Sh C/Naasir Xaaji Axmed.[Masawiro+Cod]

October 28, 2013 - Written by Editor

DSC00276Garoowe:-Nadwo cilmiyeedkii diiniga ahayd ee ka socotay magaalada Garoowe ayaa waxaa ay gashay habeeneedii 4aad waxaan muxaadaro ka jeediyey Shiikh Cabdinaasir Xaaji Axmed  waxaan uu muxaadaradiisa cinwaan uga dhigay.(Tusaalayaal ka mid ah khawaarijta casrigan iyo ururka Al-shabaab) xalay oo ahayd habeenkii 4aad ee Nadwada sanadlaha ah ee ka socota magaalada Garawe taariikhduna tahay 01/10/2013 ayaa Sh.Cabdinaasir Xaaji Axmed waxaa uu si mug weyn uga hadlay Khawaarijta casriga ah ee (Jamaacatu Takfiir wal hijrah iyo al shabaab), waxaana uu Shiikhu sheegay tusaalooyin fara badan waxaan ka xusi karnaaa

Taariikhda iyo bilaabashada kooxda Takfiirk wal hijra.
Waxa ay ka soo bexeen wadanka masar todobaataneeyadii  kadib markii  lagu sameeyay cadaadis iyo xarig iyo jirdil aan caadi ahayn oo waxay qaateen fikirkan gaalaysiinta ah maadaama ay ahaayeen niman dhalinyaro ah oo aan lahayn aqoon ku filan dhib badana la kulmay.

Waxaa horboodayay rag magacyadoodu ahaayeen :
1. Shukri axmed mustafe oo ka mid ahaa raggii la xiray xiligaas lana dhibay ka dibna  fikirka khawaarijta qaatay waliba ku daray tilaabo ficil ah oo ay dileen nin sheikh ah ka dib  waa la toogtay.
2. Cali cabdi ismaaciil.
3. Maahir bakri oo ahaa ninka labaad ee kooxdaas.
4. Saalax saari oo ahaa nin Falastiini ah markii dambana ka baxay oo waxa uu samaystay  koox kale.
Waxaa in badan la is waydiiyaa yaadhalay takfiir ma salafiyadaa dhashay mise ikhwaanu muslimiinka.? waxay taariikhdu cadaynaysaa in ay ka yimaadeen ikhwaanu muslimiinta waayo waxay ahaayeen dhallinyaro ka tirsanaa Ikhwaanka ka dibna Fikirkan qaatay markii la cadaadiyey.

Taariikdii ay soomaaliya soo galeen.
Waxaa soomaliya ka samaysantay kooxdii ugu horaysay ee isu abaabushay in ay dacwad ka shaqeeyaan waxaana la’oran jiray  (جماعة الأهل). Kooxadaan waxay la kulmeen cadaadiskii iyo dhibkii ay la kulmeen kooxdii takfiirka ee masarida oo kale  waxayna kala kulmeen dawladii milatariga ahayd ee Soomaaliya, dabadeedna way kala carareen oo hogaamiyihii ayaa waxa uu aaday oo u cararay Dalka sucuudiga halkaasna waxay kula kulmeen takfiirkii masar waxayna ka soo qateen fikirkii gaalaysiinta waxayna Yimaadeen  soomaaliya Markii ugu horeysay Taariikhdu markay ahayd:1978m.

Markaa ka dib ayaa waxaa dagaal ku qaaday culimada soomaaliyeed kuwoodiii ugu waawaynaa waana la baabi’iyay marka laga reebo Hogaamiyahooda  fadhigiisu yahay  magaalada Qardho iyo Rag kale.

Mabaadi’da ay aamin sanyhiin.
1.    In uu jiro heerka ugu hooseeya ee lagu islaamo oo ay u yaqaanaan in uu yahay in qofku fuliyo dhamaan wajibaadka diinta kana tago waxa laga reebay ee aysan ahayn in la ashahaato oo kaliya, kaasina waa fikirkii hore ee khawaarijta.
2.    Mabda’a hubsashada oo ah: in aan cidna muslim lagu sheegin ilaa la hubsado, kaasoo ah mid ka mid ah isaguna afkaartii ay aaminsanaayeen khawaarijtii hore.

Qaybo kamid ah afkaarta guud ee dadka wax gaalasiiya.

1-     In la gaalaysiiyo madaxda Muslimiinta si aan loo aabayeelin.
2-    Gaalaysiinta bulshada muslimka ah iyo banaysiga dhiigooda.
3-    Waxay aaminsan yihiin in soomaalidu ka darantahay xagga gaalnimada Yuhuudda iyo Nasaarada.
4-    Banaysiga dhiigga dadka muslimka  ah.
5-    In ay u kala qaybiyaan dhulka dhul gaalo iyo mid muslim  dhul muslimna ay u yaqaanaan meesha iyagu hadba joogaan.
6-    In  la gaalaysiiyo cidda kooxdooda ka baxda ama fikirkooda ka hortimaada iyo in la banaysto dhiigooda  iyada oo loo dilayo gaalnimo ama ugu yaraan inuu daacadii ka baxay .
7-    Waxay aaminsanyihiin in ay yihin kaligood jamaacadii muslimiinta wixii ka soo harayna gaalo yihiin mana ogola in koox kale samaysanto maadaama iyagu yihiin sida ay aaminsanyihiin jamacadii islaamka.

Maxaa ka dhexeeya Takfiir iyo Al-shabaab.

Shabaabka iyo Takfiirka wax ay wadaagaan waxyaalo ay ka mid yihiin:
1-    In madaxda lagu boxo oo laga horyimaado.
2-    Wixii iyaga kasooharay in la gaalaysiiyo.
3-    In dhiigga muslimka la banaysto.
4-    In la gaalasiiyo ama la bidcaysiiyo ugu yaraan, dadka aan ka qaybqaadan dagaaladooda ay ku leynayaan Muslimiinta.
5-    Khawaarijtii hore waxay gaalada u qaybin jireen noocyo kala duwan sida mid muxaarib ah oo dagaal lagula jiro iyo mid aan dagaal lagula jirin oo Xarbi ahayn balse kuwa hadda jooga oo ah Takfiir iyo Shabaab iyagu dadku waa u laba kooxood oo kaliya Muslim  oo iyagu isula jeedaan iyo Gaalo lala dagaalamayo oo muxaarib ah.
Waxaa xusuus mudan in uu shiikhu soo guuriyey hadallo aad ufara badan oo ku qoran Kutubta iyo qoraalada kooxahaas-Takfiir, iyo Shabaab. Kuwaas oo dhammaan cadynaya Mabaadida ay aaminsanyihiin.

Tacliiq:

Tacliiqa ayaa caawa waxa soo jeediyay sheikh Yuusuf c/casiis isaga oo sheegay shiiku in uu ka mid ahaa Ragii la kawsaday oo goob jooga ka ahaa xilligii ay soo baxday kooxda Takfiirka .Waxana uu faallo ka bixiyay  aayadda u ah cinwaanka Nadwada oo uu ku sheegay in ay tahay tusaale cad oo baraatig ah oo Nabigu bixiyay Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee isaga oo jeexay diillin toosan iyo kuwo ka farcamay kuna matalay wadada toosan ee xaqa ah, kuwa leexdana ku tilmaamay kuwa xaqa hareer marsan.
Waxa shiikhu aad u adkeeyay khatarta ay leedahay  in lagaalaysiiyo dadka muslimka ah iyo masiirka uu  ku dambeenayo aakhiro qofka muslimka gaalaysiiya. Waxa uu ka sheekeeyay sida ay ahaayeen Takfiirku xiligaas iyo dhibka iyo taariikhda uu ka soomaray shakhsi ahaan iyaga oo ka duufsaday xaaskiisii dabadeedna uu gacan waydiistay Sh. c/qaadir Nuur Faarax alla ha u Naxariistee.
Waxa uu cadeeyay in ay magaalada Qardho ku tilmaameen Daarul-hijra ayna isaga yimaadeen Gobolda soomaaliya ayna qorshaynayaan in ay dagaal qaadaan markay gaaraan 500 oo nin.

Waxa uu tilmaamay qaar ka mid ah tilmaamaha Takfiirka oo waafaqsan kuwii khawarijta ee Nabigu sheegay.Wuxuu ka jawaabay qaybo kamid ah shubuhaadkooda ay dadka ku gaalay-siiyaan sida in madaxda lagu gaalaysiiyo inay ku xukumeen waxaan diin ahayn isaga oo sheegay Mawqifka ay ka istaageen ahlu sunah wal jamaaca oo ah in aan macaasida muslinka lagu gaalaysiin Nabiguna masamayn arintaas.

Waxaa kale oo ka tilmaamay shubuhaadkooda in ay dadka ku gaalay-siiyaan shaki iyo tuhun  oo ah arin khaldan  oo Nabigu ka saxay  dad sameeyay sidaas oo kale.Ugu dambanrii wuxuu ugu baaqay Kooxdaas  in ay ka joogaan galaysiinta dadka muslinka ah.

Hoos Ka Dhageyso Muxaadarada Sheekh C/naasir  Xaji Ahmed uu kaga hadlay Khawaarijta cusub

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/z0cb0877jg/muxadara_dii_4aad_sh_cabdi_nasir_xaji_axmed_waamaxay_takfiir.mp3]

Ama Halkan Mp3

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online