Odayaal Dhaqameedyo ka tirsan Beesha Shiidle oo lagu xir xiray Magaalada Jowhar

October 9, 2013 - Written by Editor

Jowhar1(2)Jowhar:-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in odayaal dhaqameed ka soo jeeda beesha Shiidle lagu xiray magaalada Jowhar xili ay ku shirayeen gudaha magaalada Jowhar. Islow Xasan Islow oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee beesha Shiidle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in la xiray odayaal shir ku lahaa magaalada Jowhar wuxuuna ku tilmaamay xarigooda mid laga xumaado.

Odayaasha Dhaqanka ee lagu xiray magaalada Jowhar ayaa waxaa ay ka shirayeen sida ay ka yeeli lahaayeen Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ka dib markii ay ka cawdeen maamulka ka jira Gobolka Shabeellaha Dhexe balse aysan DFS waxba ka qaban codsigoodii.

Waxaa kale oo odayaasha beesha Shiidle ka shirayeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen fatahaada Webiga Shabeelle sida uu warbaahinta u sheegay Islow Xasan Islow oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee beesha Shiidle.Gudoomiyaha Maamulka Gobol ka Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaan wili wax jawaab ah ka bixin eedeynta iyo cabashada odayaasha beesha Shiidle

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online