Puntland oo maanta lagu soo wareejiyey Lix dhalinyaro oo burcadbadeed ah.[masawiro]

October 9, 2013 - Written by Editor

2Boosaaso:-Waxaa maanta laga soo dejiyey Garoonka diyaaradaha Bandar Qaasim ee magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari dhalinyaro gaaraya 6 burcadbadeed ah oo ku xirnaa Jaziiradda Seychelles kuwaas oo lagu wareejiyey dowladda Puntland. Agaasimaha la-dagaalanka burcad badeedka Puntland Cabdirisaaq Ducaysane oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in isaga iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen.Cali Nuur Cumar iyo Cabdirsaaq Maxamed Jaamac oo ah sarkaal madax u ah hay’adda qaabilsan Qaramada Midoobay la-dagaalanka burcad badeeda loona soo gaabiyo UNODC ay mudo 3 cisho ah safar shaqo ku joogeen Jaziiradda Seychelles wada hadalo ka dibna la isla gaaray in lixdaan Burcadbadeedka ah lagu soo wareejo Puntlland.

Dowladda Puntlland ayaa waxaa horay loogu soo wareejiyey 46 dhalinyaro burcadbadeed ah waxaan ay hadda ku xiran yihiin Saldhiga Booliska ee magaalada Boosaaso , dhalinyaradaan Burcadbadeedka ah ee ku xiran Saldhiga Booliska ee Boosaaso ayaa waxaa in mudo ah ay ku xirnaayeen Jaziiradda Seychelles ka dibna waxaa loo soo gacan galiyey Puntlland.

no images were found


Agaasimaha la-dagaalanka burcad badeedka Puntland Cabdirisaaq Ducaysane ayaa waxaa kale oo uu sheegay in Puntlland ay tahay dhul Soomaaliyeed cid walba oo dhalinyaro burcad badeed ahna lagu xiri karo haddii ay iyagu aqbalaan maadaama Puntlland ay samaysay sharci lagu ciqaabayo burcadbadeedka.[Piracy Law] oo awood u siinaya in lagu soo wareejiyo kooxaha burcadbadeedka ah laguna xiri karo deegaanada Puntland.

Ma ah markii ugu horaysay oo dhalinyaro burcadbadeed ah lagu soo wareejiyo dowladda Puntlland laguna xiro Xabsiyada ku yaal magaalada Boosaaso, Dhalinyarda ku biiray kooxaha Burcad badeedka ah ayaa waxaa ay ku xiran yihiin Xabsiyo kale duwan oo ku yaal caalamka waxaan ay la kulmaan ciqaabo aad u adag.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online