Puntland oo sheegtay inay heshay xog la xiriirta weeraro ay damacsan yihiin Al-shabaab
October 16, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka amniga Puntland, Gen.Khaliif Ciise Mudan oo saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in ay ogaadeen xog ah in ururka Al-shabaab ay qorshaynayaan in ay Puntland ka fuliyaan dilal iyo qaraxyo. Wasiirka amniga Puntland, Gen.Khaliif Ciise ayaa sheegay in xogta ay heleen ay tahay in shirar ay ku yeesheen madax Al-shabaab ay qorsheeyeen in ay dilal iyo qaraxyo ka fuliyeen Puntland dilalkaas iyo qaraxyadaas oo lala beegsanayo haldoorka ku nool degaanada Puntland iyo Hay’addaha iyo shaqaalaha u shaqeeya dowladda Puntland.
Wasiirka amniga Puntland, Gen.Khaliif Ciise Mudan ayaa yiri.” Waxaan ogaanay in dhawaan ay degmada Baraawe shirar ay ku yeesheen madaxda Al-shabaab ay go’aansadeen in qaraxyo iyo dilal ay ka fuliyaan Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe.”
Wasiirka ayaa waxaa uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga cid walba oo ay ka shakiyaan ay ku soo wargeliyaan laamaha amaanka ee ugu dhow si looga hortago kooxaha doonaya in ay amni xumo ka sameeyaan Puntland.
Dhinac kale Wasiirka amniga Puntland, Gen.Khaliif Ciise Mudan ayaa ka hadlay qaabka ay doorashada uga dhacayso Puntland waxaan uu sheegay in doorashadu ay u dhacayso si xor ah oo nabadgelyo ah blase waxaa uu sheegay in ciidanka Puntland aysan ogalaan doonin in musharaxiintu ay hub Tikniko ah la soo galaan magaalooyinka gaar ahaan Garoowe balse loo ogol yahay oo kaliya ilaalo kooban wixii kale oo amnigana ku saabsana ay leeyihiin ciidanka Puntland.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka al-shabaab oo ku aadan eedaynta ay maamulka Puntland u jeediyeen , dhowr jeer ayaa ciidanka daraawiishta Puntland iyo ururka Al-shabaab uu dagaal ku dhex maray Buuraha Golis iyo degaanada ku xeeran.
M_M_Deeq
Halgan.net