Puntland oo sheegtay inay heshay xog la xiriirta weeraro ay damacsan yihiin Al-shabaab

October 16, 2013 - Written by Editor

khaliifGaroowe:-Wasiirka amniga Puntland, Gen.Khaliif Ciise Mudan oo saxaafada kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in ay  ogaadeen xog ah in ururka Al-shabaab ay qorshaynayaan in ay Puntland ka fuliyaan dilal iyo qaraxyo. Wasiirka amniga Puntland, Gen.Khaliif Ciise ayaa sheegay in xogta ay heleen ay tahay in shirar ay ku yeesheen madax Al-shabaab ay qorsheeyeen in ay dilal iyo qaraxyo ka fuliyeen Puntland dilalkaas iyo qaraxyadaas oo lala beegsanayo haldoorka  ku nool degaanada Puntland iyo Hay’addaha iyo shaqaalaha u shaqeeya dowladda Puntland.

Wasiirka amniga Puntland, Gen.Khaliif Ciise Mudan ayaa yiri.” Waxaan ogaanay in dhawaan ay degmada Baraawe shirar ay ku yeesheen madaxda Al-shabaab ay  go’aansadeen in qaraxyo iyo dilal ay ka fuliyaan  Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe.”
Wasiirka ayaa waxaa uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga cid walba oo ay ka shakiyaan ay ku soo wargeliyaan laamaha amaanka ee ugu dhow si looga hortago kooxaha doonaya in ay amni xumo ka sameeyaan Puntland.

Dhinac kale  Wasiirka amniga Puntland, Gen.Khaliif Ciise Mudan ayaa ka hadlay qaabka ay doorashada uga dhacayso Puntland waxaan uu sheegay in doorashadu ay u dhacayso si xor ah oo nabadgelyo ah blase waxaa uu sheegay in ciidanka Puntland aysan ogalaan doonin in musharaxiintu ay hub Tikniko ah la soo galaan magaalooyinka gaar ahaan Garoowe balse loo ogol yahay oo kaliya ilaalo kooban wixii kale oo amnigana ku saabsana ay leeyihiin ciidanka Puntland.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka al-shabaab oo ku aadan eedaynta ay maamulka Puntland u jeediyeen , dhowr jeer ayaa ciidanka daraawiishta Puntland iyo ururka Al-shabaab uu dagaal ku dhex maray Buuraha Golis iyo degaanada ku xeeran.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online