Raisulwasaaraha DFS oo tacsi u diray ehelada Soomaalidii ku geeriyootay Jaziiradda Lampedusa

October 5, 2013 - Written by Editor

Ra'iisul Wasaaraha tacsiMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ka tacsiyeeyey geerida dad tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Aadbaan uga naxay runtii dhimashada ka dhalatay doonta ku degtay xeebaha Lampadusa, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska, iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, waxaana alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale u tacsi u diray dawladdaha dadkii kale ee afrikaanka ahaa ee ku geeriyooday doontaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, isla markaana si macno darri ah ay ugu le’daan badaha caalamka, wuxuuna xusay in xukuumadda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad siin doonto waxbarashada iyo shaqo abuurka dhalinyarada si ay dalkooda ugu nagaadaan.

“Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha, qurbajoogtii Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabanaya dalkooda si ay ug qeyb qaataan dib u dhiska, mana haboonna in xiligan loo haajiro dalal kale” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Saacid.

Communications office

media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online