Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska ee DFS oo Muqdisho lagu dilay

October 2, 2013 - Written by Editor

bistaMuqdisho:-Waxaa saaka lagu dilay Allaha u naxariistee Sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliska ee magaalada Muqdisho xili uu marayey laamiga labaajada ee Xaafadda Tarabuunka , Sarkaalkaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay dileen labo dhalinyaro ah oo iyaga iskaga dhigay kuwo ciyaaraya Kubad cagta.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa uu isku dayey in uu iska difaaco balse waxaa rasaas dhinac danbe kaga furay nin dhalin yaro ah oo ka mid ahaa labadii wiil ee weerarka ku qaaday oo iyagu iskaga dhigay kuwa ciyaarayey Kubada cagta meel aan ka fogayn gurigiisa agtiisa.

Dilka ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa DFS waxaan ay bilaabeen howl galo ay ku qabteen dad fara badan waxaan ay u dhaadhiciyeen Xabsiyada kale duwan ee ku yaal magaalada Muqdisho. Saraalkaan la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Shariif Aadan Maxamuud (Seefle) mana uusan ahayn mid ay la socdaan ciidan ilaalo u ah, kooxda dishay Sarkaalkaan ayaa waxaa la sheegayaa in ay horay u sii qaateen bistooladii uu ku hubaysnaa.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online