Sh.Umal oo ka jawaabay hanjabaad dil ah oo ay u soo direen Al-shabaab.[Daawo Video]

October 5, 2013 - Written by Editor

umulNairobi:-Sh.Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya kuna nool dalka Kenya gaar ahaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa uu ka jawaabay hanjabaadyo ay u soo direen ururka Al-shabaab isagoo Sheekh u uu sheegay in fariinta ah in Al-shabaab ay goosteen dilka Sh Maxamed Cabdi Umal iyo Sh Maxamuud Shibli iyo culimo kale ay soo gaarsiiyeen qaar ka mid ah xubnaha Al-shabaab ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya balse uu ka gaabsaday in uu sheego magac yadooda.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in ragga horjoogayaasha u ah ururka Al-shabaab ay dhalinyarad u fatwoodeen in culimada la laayo oo ay yihiin gaalo, talaabadaasna horay loogu fuliyo culimo waaweyn ee dalka Soomaaliya uuna ugu danbeeyey Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax Allaha u naxariistee oo isagoo salaad ku guda jira lagu dilay gudaha Masjidka Badar ee Garoowe.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa xusay in hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane uu laayey raggii ugu muhiimsanaa ururka Al-shabaab ka dib markii ay is qabteen oo ay u sheegeen in qaabka uu wax u wado ay yihiin wax khaldan ka dibna uu laayey maalin cad sidaas darteedna ay wax fog ahayn in ay Al-shabaab laayaan cid walba oo naseexo u jeedisay ama waano.

Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in rag xogta soo gaarsiiyey ay u sheegeen in dhalin yaradii dilka ku fulin lahaa culimada ku nool Kenya gaar ahaan Shiikh Umal iyo Sh Shibli ay hadda joogaan dalka Kenya, Sh.Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in qofkii qof muslin ah aabi ku dila uu isagu khasaaray aakhiradiisa cid uu wax u dhimayana uusan jirin culimaduna  Soomaaliyeedna waajibkka ka saaran dhinac diinta ay wadi doonaa.

Ragga Axmed Cabdi Godane uu laayey ayaa waxaa ay iskugu jiraan Muhaajiriin iyo Soomaali waxaan ka xusi karnaa:-

1. Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad ,Ibraahim Afgaani
2. Macalin Burhaan
3. Abu Mansuur Al-amriiki
4.. Usaama Biridhaani loona yaqaan Usaama Bakistaani waxaa uu dalka Soomaaliya yimid xiligii Maxaakimta waxaana dilay Axmed Cabdi Godane bishii hore.

Waxaa kale oo jira masuuliyiin badan oo ka tirsan ururka Al-shabaab oo u xiran hogaamiyaha Al-shabaab waxaan ka mid ah:-

1. Xikmatyaar oo ahaa ninkii dhalinyarad ahaa ee baray hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane Mucaskarkii Salaaxudiin sidda Qoriga Ak-47 ah loo furfuro.

2. Cabdi Rabi Daxdaax oo ahaa Khadhiib isagoo Masjid ku yaal Baraawe ka sheegay in xaqa loo noqdo oo khilaafka ka dhex jira ururka Al-shabaab lagu xaliya Kitaabka Alle

3. Zubayr Muhaajiri oo ahaa Madaxii Garoorka Maxkmada ururka Al-shabaab waxaa uu ka yimid dal ka mid ah reer Galbeedka.

4. Macalin Xamzah oo ahaa mid Xifdisan Quraanka kariimka habeenkii la dilay Ibraahim Afgani baa lagu amray in uu yimaado ciidanka Xizbada ka dibna waa la xiray.

5. Abu Khubayr Al-Anzaari oo ka yimid dal Carabeed.

6. Muhaajir Farance waa nin ka yimid faransiiska magaciisana aan la aqoon.

7. Cabdirizaaq u socday reerkiisa oo degan Gobolka Bay.

8. Sh Cabdirashiid Abu Yoonis Wuxuu masuul ka ahaa dhinac Dacwada gobolka Banaadir.

9. Sufyaan waxaa uu ka shaqayn jiray qaybta siyaasada waxaa ay qaraabo yihiin Madaxweynaha Puntlland Faroole.

10. Mukhtaar Qani oo uu ahaa masuul ciidan ahna Muhaajir waa la xiray ka dib markii lagu eedeeyey in uu magan geliyey ,Abuu Mansuur Al-Amriiki, Khadhaab Masri, Usaama Biridhaani.

11. Abu Dalxa Soomaali loona yaqaan Samatar ka yimid dalka Maraykanka.

Waxaa kale oo jira masuuliyiin kale oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo ka baxsaday hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane halka qaar kalena ay howdka ku jiraan waxaan ka xusi karnaa.

1. Sh Xassan Daahir Aweys oo ahaa masuul sare oo ka mid ah ururka Al-shabaab madaxna u ahaa ururkii Xisbul islaam oo isago habeen madow si qorsoodi ah uga baxay degmada Baraawe ka dib markii uu adkeysan waayey Dulmiga Axmed Godane.

2. Sh Mukhtaar Roobow Abu Mansuur waxaan loo khiyaar geliyey in uu kala doorto saddex arrimood oo kala ah.

A) In uu howsha ururka soo galo balse uusan ka hadal waxba
B) In uu marayo halkii uu maray Ibraahim afgani oo ah dil
C) In uu ku sugnaado gurigiisa oo uu aamuso

3. Cabdifitaax Maxamed oo ahaa Kalkaaliyihii Sh Xassan Daahir Aweys oo hadda ku xiran xarunta Nabadsugida ee Dowllada Federaalka ee Soomaaliya.

4. Sh Abuu Yaasir Al- Maqdisi oo ka badbaaday shirqoolkii lagu dilay Sh Abuu Camaarah iyo 8 xubnood oo kale.

5. Abu Mansuur Al-amriiki oo ahaa masuulkii ciidanka Gobolka Banaadir iyo Bay iyo Bakool marna noqday ku xigeenka golaha Shuurada ee ururka Al-shbaab oo isagu ka badbaaday isku daygii lagu dili lahaa xili uu ku suganaa degaanka Raamacadey balse bishii hore ay dileen Al-shabaab.

6. Khadhaab Masri noqday masuul ciidan ee Gobolka banaadir oo isagoo dhaawac ah ay qabteen kooxda Axmed Godane.

7. Zakariye Ismail loona yaqaan Zaki waxaa uu saaxiib la haa hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane ayaamihii uu joogay Bakistaan waxaan uu ka yimd dalka Swedan, waxaa uu masuul ka ahaa Xabsiyadda ururka Al-shabaab. Zakariye Ismail waxaa lacag dhan 3 milyan oo dollar ku raadinay dowllada Maraykanka.

8. Cumar Maxamed Abu Ayaan ka yimid dalka Swedan waqtigii Maxaakimta waxaa uu saaxiib dhow la ahaa Ibraahim Afgani.

Hoos Ka Daawo Sh. Maxamed Cabdi Umal oo ka jawaabay hanjabaad dil ah oo ay u soo direen Al-shabaab

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu siiyey Tv Somali Channel

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/ds3pp8ly6l/umal_hanjabaad.mp3]

Halgan.net/Somalichannel.

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online