Sheekh Axmed Cabdisamad oo booqday Sheekh Shariif C/nuur Shariif Xassan

October 26, 2013 - Written by Editor

Sheekh-axmed-Cabdisamad1-400x250Mecca:-Waxaa Xalay booqasho ugu tegay  Sheekh Shariif C/nuur Shariif Xasan (Alle ha xafidee) Sh Axmed Cabdisamad  isagoo ku booqday gurigiisa oo ku yaal xaafadda Qasaala ee magaalada Makka Almukarrama. Sheekha muuqaalkiisu wuu qurxoonaa, furfurnaan iyo farxadna way ka muuqatay. Intii muddo ah xusuusta dadka kuma fiicnayn oo dhowrkii qofba mid  ama labo ayuu xusuusana yey laakiin Ilaahay fadligi wixii cilmi ah kama gadmanayaan. Haa oo hadalka xiriirka ah marar badan wuu dhibayaa.
Shariif Maxamed Shariif C/nuur oo isagu Sheekha la jooga ayaa noo sheegay in xilliga qabowga ah caafimaadkiisu soo fiicnaado. Inta aan la fadhinay mar uu na waraysanayo ama wax la weydiinayo maahee masalooyin cilmi ah iyo xog diinta ku saabsan ayuu midba mar ka hadlayey.

Waxaa ka mid ahaa xadiiskii bilaabashada waxyiga ee dheeraa oo uu afsoomaali ahaan noogu dulmaray. Waxaa yaab lahaa markaan usoo galnay inuu kitaabka Mukhtasar Al-bukhaari gacanta ku haystay. Waa dhaqankii qof kasta oo Shariif bartay uu ku yaqaanay inuu kitaab haysto mar kasta oo aad kula kulantid gurigiisa ama masjidka.

Qof walba wuxuu ku barbaaro ayuu ku cirraystaa, sheekhuna maadaama uu cilmi akhrin iyo dacwo islaami ah cimrigiisa ku dhameeyey kolkii jirro iyo da’ isugu darmatay miskaxdiisa iyo afkiisa cilimigii iyo dacwadii baa haysta.Sheekhu wuxuu naga waraystay meelah aan ka nimid iyo sida muslimiintu ahaayeen gaar ahaan dhinaca dacwada iyo barashada cilmiga. Si gaar ah wuxuu noo weydiiyey culumo ma idiin joogtaa, dugsi Qur’aanada, dagaalo muslimiinta u dhexeeya miyaa jira iwm. Annaguna waxaan ugu bishaaraynay in dalkii iyo dadkii khayr ku suganyihiin.

Intaa ka dib waxaa lagu yiri Sheekh noo dardaaran, wuxuuna soo jeediyey dardaaran aan qormo kale idiinku soo gudbin doono, haddii Alle idmo. Gabagabadii booqashada muslimiintu diintay ka mid tahay gaar ahaan culumada iyo dadka khayrka ku gaboobay, waxayn ka mid tahay waxyaabah ummadda isku xira oo is jeclaysiiya, waxaana la gudboon waalidiinta iyo macali miinta iyo culumada kutubta akhrida inay ilmo hooda, ardaydooda iyo dadweynahaba ku xiraan culumada iyo dadka saali xiinta ah; si ay khayrka ugaga daydaan.

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online