Shiicada Xuutiyiinta oo duqeeyey caawa Markazka Damaaj ee Sacda.[Dhagayso]

October 30, 2013 - Written by Editor

sacdaYemen :-War uu caawa na soo gaarsiiyey mid ka mid ah ducaada ku dhaqan Yemen ayaa sheegaya in kooxaha xuutiyiinta ee Shiicada ay caawa Sawaariikh  ku soo duqeeyeen Degmada Damaaj gaar ahaan deegaanada ay ku sugan yihiin Salafiyiin waxaana dagaal xooggan ka dib khasaaro ba,an loo geystay shiicadii caawa duulaanka soo qaaday.Dagaalka caawa ayaa waxaa uu yahay mid culus waxaana dagaalka qeyb ka ah ciidamo daacad u ah Faaris Manaac oo ah gudoomiyaha gobalka Sacda waxaana in badan uu been ka sheegay dagaalada ka dhacay gobalka Sacada.

Magaalada Sacada gaar ahaan Degmada Damaaj ayaa waxaa ku yaal Markaz weyn oo ay wax ku bartaan Salafiyiinta oo uu wax ka dhigo Sheekh Yaxye Xajuuri .Culumada ku dhaqan dalka Yeman ayaa ku baaqay in loo gurmado salafiyiinta ku dhaqan gobalka Sacda kuwaas oo la kulmay go,doomin iyo duqeymo kala duwan.

no images were found

Sanadkii hore ayaa waxaa sidoo kale duulaan ku soo qaaday Degmada Damaaj kooxaha shiicada ee Xuutiyiinta waxaana dhibaato badan u geysteen arday wax ka baraneysay xarunta Daarul Xadiis ee Damaaj waloow dagaaladii dhamaan lagu jabiyey shiicada xuutiyiinta.

Hoos ka Dhagayso Sh Yaxye Xaajuuri oo la hadlay muslimiinta Yemen gaar ahaan Ardayda Markazka Daarul Xadiis

[audio:http://k002.kiwi6.com/hotlink/8zv6u6saod/shxaajuuri.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online