Shirka Golaha Wasiirada ee DFS oo looga hadlay Miisaaniyadda 2014

October 24, 2013 - Written by Editor

golaha_wasiiradaMuqdisho:-Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, iyadoo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda dawladda ee 2014, dib u howlgelinta Boostadii dalka Soomaaliya iyo weliba hoos u dhaca afduubyadii Burcad-badeeda ee sanadkan.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulankan diiradda lagu saaray Miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2014-ta, waxayna goluhu ay ka doodeen in la kordhiyo Miisaaniyadda dawladda, si loo xoojiyo waxqabadka hay’addaha dawladda ee sanadka soo socda. Waxaa goluhu ay isugu iman doonaan kulan gaar ah oo dhici doona maalinta Axadda, kaasoo gebi ahaanba looga hadli doono qorshaha Miisaaniyadda sanadka 2014.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi ayaa warbixin ka siiyay golaha Wasiirada dib u howlgelinta Boostadii dalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in shirkii ka dhacay 22 April ee sanadkan magaalada Dubai ee Isu-taga Imaaraadka Carabta lagu go’aamiyay in 1-da November ee sanadkan 2013 ay noqoto maalinta ay sida rasmiga ah u howlgeli doonto Boostada Soomaaliya, waxaana la filayaa in 193 wadan oo Caalamka ah ay qoraalada lasoo marsiiyo boostada soo gaarsiin doonaan Soomaaliya, iyada oo dalka Imaaraadka Carabta uu noqon doono xarunta qabadashada, gudbinta iyo maamulka Boostada Soomaaliya, oo horay ay labada dawladood ugu heshiiyeen.

Sidoo kale, golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyey hoos u dhacca ku yimid falalkii afduubka Maraakiibta ganacsiga ee badweynta Indian Ocean, waxaana golaha ay warbixin ka dhegeysteen Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Fowsiyo Yuusuf X. Aadan, waxayna Wasiiraddu sheegtay in sanadkan ay aad hoos ugu dhacday falalkii afduubka ee Burcad badeedu ay gaysan jireen.

“Burcad badeedu waxay ku bilowdeen rajo xumo soo wajahday noloshooda, maantana intooda badan wey isaga baxeen iyaga oo ka raja qaba isbedelada dalka ka dhacay iyo horumarka la hiigsanayo”  ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon mar uu ka hadlayay shirka Golaha.

Dhanka kale, Wasiirka Garsoorka Mudane Cabdullaahi Ebyan Nuur ayaa ka warbixiyay gudashada Xajka ee sanadkan oo uu ka soo laabtay, waxaana uu sheegay in sanadkan ay Xajiyeen 7440 xujjay Soomaali ah, ayna ku dhacday si habsami leh, isaga oo dhanka kale xusay in 5 ka mdi ah Xujeyda Soomaaliyeed ay geeriyoodeen, 8 kalena ay dhaawacmeen.

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online