Tv-Aljazeera.net oo waraystay Nicholas Kay iyo Yoweri Museveni.[Daawo]
October 1, 2013 - Written by EditorErgeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa waxaa uu waraysi gaar ah la yeeshay Tv-ga Al-Jazeera.net waxaan laga waraystay xili UN-ka uu u igmada ee arrimaha Soomaaliya iyo weliba qaraxii lala beegsaday xarunta qaramad midoobe ee magaalada Muqdisho.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa waxaa la wiidiiyey in qaraxii lala eegtay xarunta qaramada midoobe ee Muqdisho la doonayey in isaga lagu khaarajiyo balse waxaa uu ku jawaabay ‘’ Uma malaynayo in hadafka weerarku uu ahaa in aniga ay la i dilo balse weerarka waxaa ku dhintay qaar ka mid ah shaqaalaha Un-ka.”
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Nicholas Kay ayaa waxaa wax laga wiidiiyey in ay macquul tahay in ay wada hadal la furaan ururka Al-shabaab sidda Maraykanka uu wada hadal ula furay ururka Dalibaan ee Afgaanistaan , waxaa kale oo la wiidiiyey xiriirka ka dhexeeya Al-shabaab iyo Al-qaacid. ?
Teleefishinka Al-Jazeera.net ayaa waxaa kale oo uu waraystay Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni waxaan wax laga wiidiiyey ciidanka Ugandha ee jooga Soomaaliya , qaraxii ururka Al-shabaab ay ka sameeyey Ugandha iyo Musuqmaasuqa lagu wiidiyey dowladiisa iyo ciidanka Ugand ee ku sugan dalka Soomaaliya.
Hoos ka Daawo waraysiga Teleefishinka Al-Jazeera.net la yeeshay Nicholas Kay iyo Yoweri Museveni
Source :Al-jazeera.net
Halgan.net