Waayihii Dalkayga qaybtii 2aad W/Q Sh Maxamed Idirs

October 24, 2013 - Written by Editor

imageAyaamaha aan ka sheekaynayo saaxiibayaal waa ugu yaraan 45 ka hor…woow…intiina ugu badan markaa ma jirin..waayo Dawlad la,aanta ayaaba hadda 22 sano madaxa la gashay. Iskuulka  waxaan iman jirney aroorta hore…waxaan xusuustaa macalin dhalin yaro markaas ahaa oo luqadda ingiriiska noo dhigi jirey anagoo ah fasalka 2aad.. Wuxuu na tusi jirey sawirka laba arday… Mid aad u bilicsan, ilkaha cadyihiin, wajigu subkan yahay, timuhu feeran yihiin, shaatigu nadiif yahay, kaasi waa arday: Muuqaal fiican, oo bilic ka muuqato… Sawirka kalena: waa wiil aan cadayan, timuhu taag taagan yihiin, wajiga diqsi kaga yamuumayo, shaatigu jajaban yahay: Kaasina waa arday muuqaal xun.. (Waxaa laydin ka rabaa, sida ardaygaas  bilicda leh, inaad iskuulka ku timaadaan)..waxaa la eegi jirey buugaagta, iyo kutubta, ardayga ay wasakhaysan yihiin, ama jeex jeexan yihiin, waa la istaajin jirey, ardayda ayaa la tusi jirey sida uu buugaagta ugu ciyaaray.

Waxaan ku dadaali jirney aroorta hore inaad adiga oo bilic leh, timaha subkaday, wajigana maydhay, lebiskaagana xarrago ka muuqato aad iskuulka timaado.. Macalinku agtayada wuxuu ka lahaa haybad weyn, heer aanan indhaha ku qaban karin.. Galbihiina haduu magaalada meel ka mid ah, nagaga soo hor boxo, waa inaan dhanka kale ka baxno oo cararno.

Dadka magaalada ku nool berigaas intooda badan waa xoogsadaan..kuma tiirsana shaqaala nimo dawladeed.. In yar oo macalimiin, cisbitaalka, booliska, maamulka, kastamka cashurta, ayaa dawladda u shaqeeya.. Waxaa la yaab leh dadka in shaqa loo abuuro sidey u wanaagsan tahay oo nabad gelyada iyo nolosha qayb uga qaadato.. Magaalada waxaa berigaas tu taalley wershed kalluunka oo yar..wexey samayn jirtey Toonada.. Shirkadda waxaa maamuli jirey talyaani.. Waxaa la oran jirey (TONA DE CANDALA) ama ( TOONADII QANDALA). Wexeyna ku taalley xeebta, meel wax yar magaalada ka durugsan ilaa 5 km.

Waxaan arki jirey dadka magaalada kala bar oo aroortii u shaqa taga wershedaas..rag iyo dumar.. Ragga iyo dumarkuba wexey ka shaqayn jireen wershedda kaluunka.. Qaar kale wexey ahaayeen, waar diyayaal, ama kuwa alwaaxa ama birta sameeya.. Inta aan wershedda ka shaqayn, qaar badan aroortii salaadda subax ka hor ayey badda u jarmaadaan ayagoo riziqa raadinaya, wexey soo gadoomaan galabtii iyagoo sixiimadaha yar yar ku wata wixii ilaahay badda kasoo siiyey kaluun.

Waxaa xeebta fadhiya shaqaalaha wershedda kaluunka, oo wexey haystaan Miisaan weyn oo kalluunka la saaro, iyo warqado (boonooyin) ah oo ku qraan qofka magiciisa, inta kalluun laga miisaamey, taariikhda, kadibna dadka kalluunka soo jillaabtey oo qof walbaa wixiisii wato ayaa miisaanka yimaada, waa loo saaraa, warqad ayaana la siiya, kadibna baabuurka wershedda (land rover) meesha taagan ayaa lagu guraa, qofkuna warqadiisa ayuu la hoydaa, dhawrkii maalmoodba mar ayuu wershedda tagaa, lacagtiisa soo qaataa…waqtiga nidaamkaas lagu shaqaysanayo waa 1967-68.. Hadda ayaan mar mar dib u xasuustaa, markaas ayaan is iraahdaa: ma dib ayaad u noqoteen 50 sano.?

Dadka qaar kale wexey ka shaqaystaan xoolaha ay u dhoofiyaan Yemen, Cadan iyo Mukulli,kadibna wexey soo dejiyaan badeecooyinka loo baahan yahay, raashin, dhar, maacuun..iwm..Magaalada dukaamadeeda yar yar markaan marno waagaas aad ayaan ula yaabi jirney sidey u cammiran yihiin, macawisaha quruxda badan, shaatiyada, kiishadaha, alaabta taal.. Waxaan aad u jeclaan jirney ragga dukaamadaas leh qaarkood oo deeqsiyaal ahaa nooguna roonaa, gaar ahaan ciidaha, iney 2 shilin ama shan shilin na siiyaan, ama nac nac iyo buskud cadan laga keenay.. Kuwa bakhayladaana waan ka leexan jirney markaan baranay.

Markaa dadku wuu shaqaysan jirey, nabad iyo barwaaqo ayuu dhulkiisi u joogaa, gurigiisa uu leeyahay ayuu ku nool yahay habeenkii waxaa lagu caweeyaa, makhaayadaha.. Bacaadka markuu dayaxu jiro.. Xitaa meel ayaa la xaday oo xalay loo dhacay, wexey ahayd arrin fog oo aan la malaysan karin, dhegahana in badan kusoo yeerin…Hadda markii aan aduunka maro oo aan arko dad dhulkooda degmooyin yar yar ku nool, oo deggan, nabagelyo iyo nolol iyo shaqo iyo tacliin ku haysta, ayaan dib u xusuustaa inaanu soo marnay, oo sidaas tuulooyinka Sweden,ama Denmark, ama Norway, ama Britain, loogu noolyahay aanu dalkayaga ku ahayn…

Waa socotaa….

 W/Q Sh Maxamed Idirs

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online