Wadada Daaru Salaam oo maanta la dhagax dhigay magaalada Boosaaso (Daawo)

October 7, 2013 - Written by Editor

DSC00833Boosaaso:-Waxaa maanta xarig laga jaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari wadada Daaru salaam oo ah wado la saari doono laami taas oo isku xiri doonta suuqa weyn ee magaalada iyo dekeda weyn ee magaalada Boosaaso

Wadada la dhisayo ayaa waxaa dhagax dhigay Duqa Degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan waxaana goobjoog ka ahaa Masuuliyiinta Shirkada fulineysa Dhismaheeda ee Shirkada Jubba Construction Company oo iyadu ku guuleysatay qandaraaska lagu dhisayo wadada.

Duqa Degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan ayaa  sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dhisamaha iyo horumarka magaalada Boosaaso oo aad u soo celiyey bilicdii magaalada Boosaaso

Mr Xasan Cabdalla Xasan Duqa Degmada Boosaaso ayaa sheegay in wadada la dhagax dhigay maanta ee laga dhigayo laami uu gaarayo dhirirkeeda ilaa 900 oo Mitter halka balaceeda lagu qiyaasay 7-Meter.

Ganacsatada iyo dadweynaha magaalada Boosaaso ayaa aad u soo dhaweeyey in la dhiso wadada isku xirta suuqa weyn ee Boosaaso ilaa Dekkada magaalada waxaana ay taasi sahli doontaa ganacsiga.

no images were found

Barkhad Cali Saalax oo ah Aqoonyan Reer Puntland xilal kala duwana ka soo qabtay Puntland ayaa ugu baaqay shacabka magaalada Boosaaso in ay garab siiyaan Maamulka Degmada Magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa waxay ka mid tahay magaalooyinka aad ufiday una horumaray ka dib markii ay dowladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay waana magaalada ganacsiga ee Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online