Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo soo gaaray magaalada Kismaayo
October 22, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub, waxaana wafdiga ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaaayo masuuliin ka tirsan maamulka KMG ee Jubba.Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayey wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Michele Cervone waxaana ujeedada socdaalkooda uu ku sheegay in ay kormeerayaan xaalada amaanka magaalada Kismaayo.
Wafiga ka socday Beesha Caalamka ayaa waxaa ay kulan la qaateen Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) waxaana uu sheegay in wafdiga ay wax badan ka qaban doonaan harumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobalada jubooyinka.
Wafdiga ka socda urur goboleedka IGAD, Midowga Afrika, Midowga Yurub,ayaa waxaa socdaalkooda ku weheliyey Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Britain, France, Talyaaniga,iyo Itoobiya.
Cabdi Yare
Kismaayo