Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo soo gaaray magaalada Kismaayo

October 22, 2013 - Written by Editor

wafdikisKismaayo:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD,  Midowga Afrika, Midowga Yurub, waxaana wafdiga ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaaayo masuuliin ka tirsan maamulka KMG ee Jubba.Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayey wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Michele Cervone waxaana ujeedada socdaalkooda uu ku sheegay in ay kormeerayaan xaalada amaanka magaalada Kismaayo.

Wafiga ka socday Beesha Caalamka ayaa waxaa ay kulan la qaateen Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe) waxaana uu sheegay in wafdiga ay wax badan ka qaban doonaan harumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobalada jubooyinka.

Wafdiga ka socda urur goboleedka IGAD,  Midowga Afrika, Midowga Yurub,ayaa waxaa socdaalkooda ku weheliyey Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Britain, France, Talyaaniga,iyo Itoobiya.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online