Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ku soo wajahan magaalada Kismaayo
October 18, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa la filayaa in magaalada Kismaayo ay soo gaareen wafdi ka socda Qaramada Midoobay, Wafdigaan ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaa Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa iyagoo kala hadli doona dhamaystirka hishiiskii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku dhexmaray dalka Itoobiya.
Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay dhowr jeer dib uga dhaceen safar ay ku imaan lahaayeen magaalada Kismaayo balse waxaa la rajaynayaa in maalinta Sabtiga ah ay soo gaareen Kismaayo. Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo maalmo ka hor soo gaaray Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowllada Federaalka ku meel gaarka ah Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo siyaasiyiin kale oo ku leh magaalada Kismaayo kulamo gaar gaar ah oo ay uga hadlayaan qaabkii loo soo xuli lahaa maamulkii Jubba oo dhamaystiran.
Ilaa hadda si cad looma oga socdaalka ay wafdiga Qaramada Mioobay ay ku imaanayaan magaalada Kismaayo iyo inta maalmood oo ay joogi doonaa magaalada.
A/cawaale
Halgan.net