Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ku soo wajahan magaalada Kismaayo

October 18, 2013 - Written by Editor

diyaaradKismaayo:-Waxaa la filayaa in magaalada Kismaayo ay soo gaareen wafdi ka socda  Qaramada Midoobay, Wafdigaan ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaa Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa iyagoo kala hadli doona dhamaystirka hishiiskii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ku dhexmaray dalka Itoobiya.

Wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay dhowr jeer dib uga dhaceen safar ay ku imaan lahaayeen magaalada Kismaayo balse waxaa la rajaynayaa in maalinta Sabtiga ah ay soo gaareen Kismaayo. Dhinaca kale waxaa magaalada Kismaayo maalmo ka hor soo gaaray Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowllada Federaalka ku meel gaarka ah Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo siyaasiyiin kale oo ku leh magaalada Kismaayo kulamo gaar gaar ah oo ay uga hadlayaan qaabkii loo soo xuli lahaa maamulkii Jubba oo dhamaystiran.

Ilaa hadda si cad looma oga socdaalka ay wafdiga Qaramada Mioobay ay ku imaanayaan magaalada Kismaayo  iyo inta maalmood oo ay joogi doonaa magaalada.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online