Wafdi Mu’asasada Alminhaaj iyo Culima,udiin Socdaal Dacwo ugu anbabaxay dagmada Ufayn

October 9, 2013 - Written by Editor

DSC01976Boosaaso:-Degmada ufayn ee Gobolka Bari ayaa waxaa safar Dacwo ugu anbabaxay  maantay  Wafdi isugu jira Mu’asasada Alminhaaj iyo Culimo ay ka mid yihiin Sh.Xasan Xuseen,Sh. Maxamed Macalim , Sh Cabdiraxmaan Bukhaari,Iyo wax garad kale . Ujeedka Safarkooda ayaa ah horumarinta Dacwada Degmada Ufayn iyo deegaamada ku xeeran.

Wafdigu inta uu halkaa joogo waxaa uu Kulamo kale duwan oo ku aadan Dacwada, la qaadan doonaan  Culimada iyo Ducaada kale ee Dagmada Ufeyn
waxeyna  ka wada hadli doonaan sidii loo hor marin lahaa Dacwada Dagmada iyo guud ahaan sidii la isaga kaashan lahaa.

Maamulka Ma’asasada iyo Culimada la socotey waxey sidoo kale kulamo horumarinta dacwda ku aadan la  qaadan doonaan Wax garadka degmada iyo Ardeyda iskuulada .

Sidoo kale inta ay halkaas joogaan waxay ku qaban doonaan muxaadaraad kala duwan, oo ay ka jeedin doonaan Masaajida iyo iskuulada Degmada Ufeyn.

Halgan.net
Ufeyn

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online