Wafdi uu horkacayo wasiirka G/dhiga DFS oo gaaray magaalada B/weyne
October 20, 2013 - Written by EditorHiiraan:-Wafdi uu horkacayo wasiirka G/dhiga ee DFS C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana wafdiga ku soo dhaweeyey garoonka Ugaas Khaliif Maamulka gobalka Hiiraan. Wafdiga ka socda DFS ayaa waxaa Ujeeddada socdaalkooda lagu sheegay in tahay in ay soo kormeeraan dadkii shacabka ahaa ee ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay magaalada B/weyne qaraxaas oo geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.
Wasiirka G/dhiga ee DFS Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif waxaana uu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin cadowga umada Soomaaliyeed ayna guuldareysteen ka dibna dhaqan ka dhigteen leynta shacabka aan waxba galabsan.
Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Khayraadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ,xildhibaano ,iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee DFS. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa gurmad u fidisay dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay shalay magaalada B/weyne waxaana qaar ka mid ah dhaawacyada la keenay saaka magaalada Muqdisho.
A/Cawale
Halgan.net