Wafdi uu horkacayo wasiirka G/dhiga DFS oo gaaray magaalada B/weyne

October 20, 2013 - Written by Editor

baladweyneHiiraan:-Wafdi  uu horkacayo  wasiirka G/dhiga ee DFS  C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaana wafdiga ku soo dhaweeyey garoonka Ugaas Khaliif Maamulka gobalka Hiiraan. Wafdiga ka socda DFS ayaa waxaa Ujeeddada socdaalkooda lagu sheegay in tahay in ay soo kormeeraan dadkii shacabka ahaa ee ku waxyeeloobay qaraxii shalay ka dhacay magaalada B/weyne qaraxaas oo geystay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka G/dhiga ee DFS Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif waxaana uu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin cadowga umada Soomaaliyeed ayna guuldareysteen ka dibna dhaqan ka dhigteen leynta shacabka aan waxba galabsan.

Wasiirka G/dhiga ee DFS ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Khayraadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ,xildhibaano ,iyo xubno kale oo ka tirsan labada gole ee DFS. Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa gurmad u fidisay dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay shalay magaalada B/weyne waxaana qaar ka mid ah dhaawacyada la keenay saaka magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online