Warar dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii ka dhacay degmada Baraawe.
October 5, 2013 - Written by EditorBaraawe:-Ciidamo ajanabi ah ayaa waxaa ay xalay weerareen guri ku yaal degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, ciidankaan ajnabiga ah ayaa waxaa ay doonyo dheereeya uga soo dageen dhinac Xeebta iyagoo weeraray guriga ku yaal degmada Baraawe halka Diyaarado ay ka ilaalinayeen dhinac cirka.
Ciidankaan Ajnabiga ah ayaa guriga waxaa ay ku dhufteen dhowr madfac ka dibna waxaa iska horimaad uu dhexmaray ilaaladii ku jirtay guriga ee Al-shabaab waxaan iska horimaadka ku dhintay mid ka mid ah askarta ururka Al-shabaab.Warar soo baxay ayaa sheegay in guriga la bartilaamsaday uu deganaa mid ka mid ah Saraakiisha Muhaajiriinta ah ee ururka Al-shabaab ka bar bar dagaalama.
Afhayeenka Al-shabaab, C/casiis Abu Muscab oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in ay iska caabiyeen ciidamadii soo weeraray Baraawe khasaaro dhaawac ahna ay gaarsiiyeen ka dibna ay dib ugu laabteen dhinac Badda. Afhayeenka Al-shabaab ayaa waxaa uu saxaafada u xaqiijiyey in weerar ka dhacay degamada Baraawe uu ku dhintay mid ka mid ah askartooda.
Ma ah markii ugu horreysay ee ciidamo shisheeye ay weerar noocan oo kale ah ku qaadaan degaano ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab, ciidamo Faransiis ah ayaa waxaa ay horay weerar ugu qaadeen degmada Buulo-Mareer si ay u soo furtaan Sarkaal Faransiis ah balse howl galkaas ayaa noqday mid fashilmay.
A/cawaale
Halgan.net