Warar dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii ka dhacay degmada Baraawe.

October 5, 2013 - Written by Editor

baraaweBaraawe:-Ciidamo ajanabi ah ayaa waxaa ay xalay weerareen guri ku yaal degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, ciidankaan ajnabiga ah ayaa waxaa ay doonyo dheereeya uga soo dageen dhinac Xeebta iyagoo weeraray guriga ku yaal degmada Baraawe halka Diyaarado  ay ka ilaalinayeen dhinac cirka.

Ciidankaan Ajnabiga ah ayaa guriga waxaa ay ku dhufteen dhowr madfac ka dibna waxaa iska horimaad uu dhexmaray ilaaladii ku jirtay guriga ee Al-shabaab waxaan iska horimaadka ku dhintay mid ka mid ah askarta ururka Al-shabaab.Warar soo baxay ayaa sheegay in guriga la   bartilaamsaday uu deganaa mid ka mid ah Saraakiisha Muhaajiriinta ah ee ururka Al-shabaab ka bar bar dagaalama.

Afhayeenka Al-shabaab, C/casiis Abu Muscab oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu sheegay in ay iska caabiyeen ciidamadii soo weeraray Baraawe khasaaro dhaawac ahna ay gaarsiiyeen ka dibna ay dib ugu laabteen dhinac Badda. Afhayeenka Al-shabaab ayaa waxaa uu saxaafada u xaqiijiyey in weerar ka dhacay degamada Baraawe uu ku dhintay mid ka mid ah askartooda.

Ma ah markii ugu horreysay ee ciidamo shisheeye ay weerar noocan oo kale ah ku qaadaan degaano ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab, ciidamo Faransiis ah ayaa waxaa ay horay weerar ugu qaadeen degmada Buulo-Mareer si ay  u soo furtaan Sarkaal Faransiis ah balse howl galkaas ayaa noqday mid fashilmay.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online