Wasiirka G/dhiga ee DFS oo la kulmay Saraakiil ka socotay Dowladda Talyaaniga

October 24, 2013 - Written by Editor

DSC08506Muqdisho:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/Xakiim Maxamuud Xaaji Faqi oo ay wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Muuse Cabdulle Maxamuud,Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Gen.Daahir Aden Cilmi Indha-qarshe,Abaanduulaha CXDS Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi iyo Saraakiil ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde kula kulmay Wefdi ka socday Dowlada Talyaaniga uu hogaaminayay Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Talyaaniga Admiral Luigi Binelli Mantelli kaasoo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Muqdisho.

Admiral Mantelli ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda Talyaaniga, iyadoo Kulanka ay la qaateen Masuuliyiinta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada Xoogga dalka ay goobjoog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Gen.Muuse Xasan iyo Danjiraha Talyaaniga u jooga Soomaaliya Ambassador Andrea Messella.

Kulankaan oo ahaa mid saacado badan qaatay islamarkaana ay albaabada ulaabnaayeen ayaa lagu lafa guray mudadii uu socday doorka uu Talyaaniga ka qaadan karo tayeenta iyo qalabeynta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiim Faqi oo Khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay horummaradii ugu dambeeyay oo ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinac amniga iyo caqabadihii ka horyimid waxaana sidoo kale uu wasiirku codsaday in lasii dardar geliyo dedaallada ay Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga isaga kaashanayaan soo celin Amniga iyo Xasilinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Alshabab ay Qatar ku yihiin amniga guud ee Gobolka loona baahnayhay in si wadajir ah looga qeybqaato dabargoynta Kooxdaasi xagjirka ah eek u xiran Alqaacidda.

Sidoo kale S.Guuto Daahir Aden Cilmi Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isna kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Ciidamada milateriga u baahanyihiin in laga caawiyo dhinacyada qalabeynta iyo Tababbarrada si ay usii dardargeliyaan Dedaalladdooda ku wajahan la dagaalanka argagixisada.

Taliyayaha ayaa farta ku fiiqay in  Soomaaliya ay haatan leedaha labo cadow oo kala ah Alshabab iyo Burcadbadeedda kuwaasoo Qatar ku ah jiritaanka iyo xasilloonida Dalka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Talyaaniga Admiral Luigi  Binelli Mantelli  oo isna ka hadlay kulanka ayaa tibaaxay in Dowladda talyaaniga ay ka go’antahay kordhinta taakuleynta iyo tababaridda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya gaar ahaan Milateriga iyo Booliska waxa uuna xusay in haatan uu indhihiisa ku arkay isbedel muuqdo oo ay dowlada Soomaaliya ka gaartay xagga nabadgelyada wadanka oo ay  Ciidamadu magaalooyin farabadan ka saareen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah hirgelinta Heshiiskii ay 17-kii September Magaalada Rome ku wada saxiixdeen Wasiirrada Gaashaandhigga Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga kaasoo qodabbadii lagu gaaray ay kamid ahaayeen Qalabeynta iyo kordhinta tababbarrada Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya si loo soo afjaro jiritaanka Alshabab iyo Xulafadooda ajaaniibta ah ee ka dagaalamaya gudaha Somalia.

                     —DHAMMAAD—

 

 MEDIA RELATION OFFICE 

MINISTRY OF DEFENSE 

MOGADISHU-SOMALIA


Leave a comment

*

Archives
October 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online