Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeeyey deegaano ka tirsan gobolka Gedo
April 6, 2015 - Written by EditorGedo:-Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Gedo,sida uu warbaahinta u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya oo ku sugan gobolka Gedo.
Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa waxaa ay duqeyn ka geysteen deegaano u dhexeeya Degmooyinka Garbahaarey iyo Baladxaawo waxaan warar hordhac ah ay sheegayaan in xoolo badan ay duqeynta waxyeelo u geystay .
Cornel Yaasiin Xasan oo ka mid ah Saraakiisha ciidanka DFS ee gobolka Gedo ayaa sheegay in duqeynta lala eegtay xarumo ay leeyihiin dagaalyahanada Kooxda Al-shabaab balse uusan xaqiijin karin sida ay wax u gaareen.
Cornel Yaasiin Xasan ayaa xaqijiyey in duqeynta ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen gobalka Gedo ay waxyeelo u geystay xoolo badan oo ay lahaayeen dadka ku dhaqan inta u dhexeysa Garbahaarey iyo B/xaawo.
A/Cawale
Halgan.net