Golaha Wakiillada PL ayaa oo doortay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland

July 20, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland, waxaana joogay 62 Xildhibaan, saddex musharax ayaa u tar-tamay kuwaas oo kala ahaa;

1. Siciid Cabdi Muumin
2. Maryan Axmed Cali
3. Faysal Mahdi Cali

Ugu horay Musharaxiinta ayaa soo jeediyay khudbado iyagga oo Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL ka codsaday inay codkooda siiyaan, Doorashada Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland ayaa martay saddex wareeg.

Wareega 1aad

1. Siciid Cabdi Muumin – 28 Cod
2. Maryan Axmed Cali – 31 Cod
3. Faysal Mahdi Cali – 3 Cod

Natiijada Wareega 2aad oo ay u gudbeen Siciid Cabdi Muumin iyo Maryan Axmed Cali, codadka la dhiibtay ayaa noqday tirro isla eg.

1. Siciid Cabdi Muumin 31 Cod
2. Maryan Axmed Cali 31 Cod

Wareega 3-aad

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku dhawaaqay natiijada wareega 3-aad oo noqtay.

1. Siciid Cabdi Muumin – 34 Cod
2. Maryan Axmed Cali 28 – Cod

Waxaana ku guuleystay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland Siciid Cabdi Muumin oo helay 34 cod.

Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ayaana Siciid Cabdi Muumin oo ku guuleystay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Dawladda Puntland u dhaarisay xilkaas.

DHAARTA DASTUURIGA AH

“Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.

Awoodaha iyo xilalka Difaacaha Xuquuqda Aadanuhu DPL ayaa ah Ka hortegidda xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha, isagoo talabixin siinaya Hay’adaha waddaniga oo ay arrintu khuseyso si waafaqsan sharciga dalka Puntland.

Sidoo kalena, waxa uu ka shaqeynayaa, ku wacyi-galinta dadweynaha iyo masuuliyiinta Dawladda muhimadda ay leedahay dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee ku cad Dastuurka iyo sharciyadda Puntland, isla
markaasna ku xusan Axdiyada iyo heshiisyada caalamiga ah isaga oo baaraya cabashooyinka ay muwadiniinta ama ururada Bulshada ka sheeganayaan xuquuqdooda bini’aadanimo, uuna gaarsiiyo hay’adaha Dawliga ah iyo kuwa wadaniga ah natiijada baaristiisa, isagoo raacinaya talo soo jeedintiisa la xiriirta damanaad-qaadka xuquuqda aadanaha.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online