Guddoomiyaha Golaha Wakiillada PL oo ka qayb galay aaska Madaxweynihii hore ee Puntland

July 15, 2020 - Written by Editor

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa ka qeyb-galay aas-Qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore Dawladda Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Diyaaraddii sidday marxuumkan ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka Marxuumka la huwiyey Calanka Dawladda Puntland.

Guddoomiyaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Ka dib waxaa marxuumka aas-qaran loogu sameeyay Qabuuraha magaalada Garoowe, kaasi oo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweynayaasha Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federalka ee Puntland, Galmudug, Jubaland, Guddoomiyaha Aqal sare ee Baarlamaanka Federalka, Xildhibaano, Wasiiro, Siyaasiyiin, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Isimada Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online