Madaxweynaha PL oo booq day Dhismayaal dowladda ee Gaalkacyo

July 27, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeeray Dhisme loogu talagalay in ay xarun u noqoto Xafiisyada Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug iyo Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale oo isna dhismihiisu meel wanaagsan marayo.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif muuse nuur oo Madaxweynaha uga warbixiyey xarumaha uu kormeeray.

Xarunta dhismaha Dowladdu waa xarun loogu talagalay inay xafiisyo u noqoto inta badan Hayáddaha Dowladda ee Gobolka Mudug, sida Guddoomiyaha Gobolka iyo qaar ka mid ah Wasaaraddaha Dowladda, waxaana uu qorshuhu yahay in dhowaan dhismihiisa la dhameystiro.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu kormeeray Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale, Madaxweynaha ayaa ku dhex-lugeeyay garoonka si uu u arko qeybaha kala duwan ee Garoonka iyo sida dhismuhu u socdo.

Garoonka Kubadda Cagta ee Cawaale ayaa meel wanaagsan uu maraya dhismihiisu , waxaana uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu ballan qaaday in Dowladdu dhameystiri doonto dhismaha garoonka.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online