Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabatay Garoowe
July 14, 2020 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay xaflad lagu soo gunaanaday Shirkii wadatashiga ee Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.
Dowladda Puntland ayaa uga mahadcelisay Gal-Mudug dowladd iyo shacaba martigelinta shirka, Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey.
Dhinac kale saaka ayaa wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/laahi Deni ay dib ugu soo laabay magaalada Garoowe isagoo soo laabashada Puntland uu ka qayb galo aaska Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Xaashi iyo weliba Ra’iisul wasarihii hore ee Somaaliya Xassan Abshir Faarax oo geeriyooday maalmo ka hore.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii uu aaska ka qatb galo waxaa uu dib ugu laaban doonaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Gal-Mudug si uu uga qayb galo shirka watashiga wajigiisa 2aad o furmi doona.
M_M_Deeq
Halgan.net