Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabatay Garoowe

July 14, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay xaflad lagu soo gunaanaday Shirkii wadatashiga ee Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Dowladda Puntland ayaa uga mahadcelisay Gal-Mudug dowladd iyo shacaba martigelinta shirka, Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey.

Dhinac kale saaka ayaa wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/laahi Deni ay dib ugu soo laabay magaalada Garoowe isagoo soo laabashada Puntland uu ka qayb galo aaska Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdi Xaashi iyo weliba Ra’iisul wasarihii hore ee Somaaliya Xassan Abshir Faarax oo geeriyooday maalmo ka hore.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii uu aaska ka qatb galo waxaa uu dib ugu laaban doonaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Gal-Mudug si uu uga qayb galo shirka watashiga wajigiisa 2aad o furmi doona.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online