Ra’iisul wasaare JFS oo laga sugayo Dhuusamareeb.
July 14, 2020 - Written by EditorDhuusamareeb:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ka tirsan golahiisa xukumada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu safar ku gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Gal-Mudug.
Safarka Ra’iisul wasaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmay ka dib casumaad ay u fidiyeen Madaxweynayaasha maamul gobolleedyada dalka oo shir wadatshi uu ugu soo gabagaboobay magalada Dhusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud.
War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa waxaa laga codsaday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Kheyre in ay ka soo qayb galaan shirk wada tashihga wajigiisa labaad oo ka dhici doona Dhuusamareeb laguna gorfayn doono nooca doorasho oo la doonayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.
Ilaa hadda ma jir wax war ah oo ka soo baxay Madaxda ugu saraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan in ay aqbaleen codsigii Madaxda maamul gobolleedyada dalka ee ahaa in ay ka soo qayb galaan shirka wada tashiga wajigiisa labaad oo lagu balamay in uu ka dhaco Dhuusamareeb,
A/cawaale
Halgan.net