Ra’iisul wasaare JFS oo laga sugayo Dhuusamareeb.

July 14, 2020 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo ka tirsan golahiisa xukumada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu safar ku gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Gal-Mudug.

Safarka Ra’iisul wasaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegmay ka dib casumaad ay u fidiyeen Madaxweynayaasha maamul gobolleedyada dalka oo shir wadatshi uu ugu soo gabagaboobay magalada Dhusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud.

War-murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa waxaa laga codsaday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Kheyre in ay ka soo qayb galaan shirk wada tashihga wajigiisa labaad oo ka dhici doona Dhuusamareeb laguna gorfayn doono  nooca doorasho oo la doonayo in ay ka dhacdo Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jir wax war ah oo ka soo baxay Madaxda ugu saraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan in ay aqbaleen codsigii Madaxda maamul gobolleedyada dalka ee ahaa in ay ka soo qayb galaan shirka wada tashiga wajigiisa labaad oo lagu balamay in uu ka dhaco Dhuusamareeb,

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online