Wasiirka waxbarshadda Puntland oo soo dhaweyn loogu sameeyey Gaalkacyo
July 28, 2020 - Written by EditorGaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa soo dhaweyn loogu sameeyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Mudane Cabdulaahi Maxamed Xassan.
Munaasibadan soo dhawaynta ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Gaalkacyo Cali Cabdi Sahal, Kormeeraha Waxbarashada Gobolka Shufeer, Aqoonyahano, Maamulayaal Dugsiyo sare iyo kuwa dhexe iyo Macalimiin.
Kulanka ayaa bogaadin iyo hambalyo looga jeediyey Wasiirka iyo dhamaan wasaarada sida wanaagsan oo ay u maareeyeen habka cashar bixinta xiligii adkaa ee cudurka Crona.
Maamulayaasha Gobolka Mudug oo goobta hadal ka heediyey ayaa sheegay xiliyadii adkaa oo waxbarashadu soo martay, in in hada heer lagu faano ay joogto.
Munaasibadan soo dhawaynta ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Bahda Waxbarashada Gobolka Mudug.
no images were found
Halgan.net